Kumuu ahaa ciyaaryahanka Soomaaliya ee u dhintay COVID-19?

Image

LONDON, UK - Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada London ku geeriyooday Cabdiqaadir Maxamed Faarax Biriq oo kamid ahaa falanqeeyayaasha kubadda cagta ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

Cabiqaadir oo sidoo kale kamid ahaa laacibiintii kubadda cagta ee Soomaaliya, una dheeli jiray naadigii bartoolka ayaa maalmahan la xanuunsanayay xanuunka caalamka hareeyay ee Covid-19.

Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ka tacsiiyay geerida Biriq.

Biriq wuxuu in muddo ahba ku noolaa magaalada London ee dalka Ingiriiska. Tan iyo markii uu howlgabka ka noqday ciyaaraha, wuxuu ahaa nin aad ula socda arrimaha kubadda cagta.

Wuxuu ka mid ahaa falaqeeyayaasha ciyaaraha ee sida joogtada ah ula shaqeeya laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Maxaan ka naqaannaa rugcaddaaga?

Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) oo ka mid ah ciyaartooydii ay kawada tirsanaayeen naadigii batroolka ayaa BBC-da uga warramay taariikh nololeedka marxuum Biriq oo kooban.

Markii ugu horreysay wuxuu u ciyaari jiray gobolka Hiiraan, oo uu ku matali jiray ciyaarihii tartanka gobollada ee dalka Soomaaliya.

"Kooxda Batroolka ayaa markii ay xirfaddiisa sare aragtay kasoo qaadatay gobolka Hiiraan. Runtii waan isla ciyaarnay aniga iyo asaga, waxaana ka wada dheeli jirnay xagga weerarka," ayuu yiri Mukhtaar Cuti.

Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11.

Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya.

Mar uu Cabduqaadir qudhiisa hadda ka hor BBC-da la hadlayay wuxuu u sheegay in sababtii loogu bixiyay magaca biriq ay ahayd maadaama uu aad u orod badnaa, marka uu kubadda wato.

Wuxuu Cuti sheegay in Biriq uu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan oo bulshadu ay si weyn u jecleyd.

"Hal isbuuc ka hor ayaan wada hadleynay, wixii ka dambeeyay lalama hadli karin, waayo aad buu u xanuunsanaa, Alle ha u naxariisto, haddaan nahay bahda ciyaaraha ee Soomaaliya maanta waxaa naga baxay nin qaali ah, waana uga tacsiyeynayaa dhammaan umadda Soomaalida", ayuu yiri.

Wuxuu Mukhtaar sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo uusan ku illoobi doonin Biriq, uuna ahaa nin aad ugu dadaali jiray inay soo baxaan dhalinyaro Soomaali ah oo xirfad sare u leh kubadda Cagta.

Maxaa ugu dambeeyay wararka saameynta Coronavirus?

Caabuqa Corona, oo lagu magacaabay Covid-19, ayaa dunida ka soo ifbaxay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, wuxuuna markii ugu horeysay ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Kiisaska guud ahaan dunida laga xaqiijiyay ayaa gaaraya ilaa 400,000 oo ruux oo uu ku dhacay xanuunkan.

Ku dhawaad 17,000 oo qof ayaa ilaa hadda u dhintay coronavirus.

Inta la ogyahay 100,000 oo qof oo uu ku dhacay cudurkan ayaa ka caafimaaday.

BBC

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM