Liverpool oo markii lixaad ku guuleystay Champions League

Image

MADRID, Spain - Liverpool ayaa hanatay Champions League markii ay 2-0 uga badiyeen Tottenham ciyaar ka dhacday garoonka Wanda Metropolitano ee magaaladda Madrid, caasimadda Spain.

Kooxda reer England ayaa guusha uga mahad-celineysa Maxamed Saalax oo daqiiqadii 2aad gool ku laad dhaliyey iyo Divock Origi oo daqiiqadii 87aad shabaqa soo taabtay.

Waa markii lixaad oo ay Reds ku guuleysto tartanka horyaalada Yurub. Markii ugu dambeysay oo ay hanato waxay ahayd 2005-tii oo ay ka faramarojiyeen AC Milan.

Gooldhaliyaha reer Masar ee Saalax ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee wadankaasi u dhasha ee gool ka dhaliya kama dambeysta tartanka ugu xiisaha badan Yurub.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Liverpool aysan soo bandhigin kulankaan bandhig wanaagsan balse ay ku dheeleyn waayo aragnimadii ay qaateen sanad ciyaareedkii hore.

Reds ayaa waxaa sanadkii hore koobkan ka qaadey Real Madrid, taasi oo ah naadiga ugu badan ee ku guuleystay tartankan waana 12 jeer, guud ahaan taariikhda oo idil.

Guushan ayaa waxay ka badbaadineysaa tababare Jurgen Klopp olale ka dhan ahaa isaga oo ku aadan in la eryi doono hadii uusan ku guuleysan wax koob ah sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM