Tababaraha Arsenal oo hadlay kadib markii laga helay Coronavirus

Image

LONDON, UK - Kooxda Arsenal ayaa laga joojiyay tababaradii ay qaadan jireen iyadoo ciyaartooydii u macalinku tabobarka siiyay ee u dambeyayna ay si iskood ah isku karantiileen.

Jimcada maanta ah ayaa loo qabanaya shir deg deg ah si looga arinsado isku aadka kulamada ee Horyaalka Premier League.

"Tani waa niyad jab balse waxaan is baaray kadib markii aan dareemay xanuun," ayuu yiri Mikel Arteta.

"Waxaan si dhaqsi ah ku bilaaban doona shaqadeyda marki u caafimaadkeyga fiicnaado la'iina ogolaado inaan shaqadeyda ku laabto," ayuu yiri Arteta.

Waxa la filayaa in tiro badan oo iskugu jira ciyaarhanada kooxda iyo shaqaalaha kaleba ay si iskood ah isku Karantiilaan.

"Caafimaadka dadkeena iyo guud ahaan bulshada ayaa muhiim inoo ah, taasi ayaana diirada saareynaa," waxaa sidaasi yiri Vinai Venkatesham oo ah maamulaha kooxda Arsenal.

"Waxaan kula jirna wado hadal dadka ay arintan quseyso, si aan ugu xalino sida ugu haboon, hadi shaqaalaha caafimaadka ay inoo ogoladaanna waxaan ku laabaneynaa tabobaradeenii,"

Arsenal ayaa lagu waday in ay la ciyaarto maalinta Sabtida ah kooxda Brighton, ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League.

Ciyaartoyga dhanka difaaca uga ciyaaro Manchester City Benjamin Mendy ayaa isna is karantiilay kadib markii qof ka mid ah qoyskiisa lagu arkay caalaamadaha Fayraska Corona.

Seddax ka mid ah ciyaartooyda ugu caansan naadiga horyaalka heerka koowaad ee kubada Ingiriiska dheesha ee Leicester City ayaa iyagana lagu arkay calaamadaha feyraska Corona.

Wakaaladaha + GO

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM