Tababare ajnabi ah oo ka sheekeeyay xaalado ku qabsaday Soomaaliya

Image

ACCRA, Ghana – Soomaaliya, waa mid kamid ah dalalka ugu cimilada wanaagsan aduunka, balse deganaanshiyo la'aan ka dhigay meel aan laysku helayn karin.

Kahor burburkii waxa uu kamid ahaa wadamada ugu soo jiidashada badan dalxiiseyaasha shisheeyaha, sababtoo ah amniga, bilicda iyo kala dambeynta.

Wallow ay wali muuqato saameynta dagaaladii sokeeye oo dalka u muuqaal ekeysiisay "bahalo galeyn" haddana waxaa la dareemayaa soo kabasho fiican oo xowli ah.

Meelaha aadka looga dareemayo soo kabashadda ayaa waxaa kamid ah Cayaaraha gaar ahaan Kubadda Cagta oo waddanka horumar baaxad leh uu ka sameynayo.

Kooxaha Kubadda Cagta iyo Xulka Qaranka ayaa soo iibsanaya ciyaaryahano iyo tababareyaal ajaaniib ah, taasi oo sarre u qaadey xifaaltanka horyaalada kala duwan.

Laacibiinta iyo Macalimiinta ayaa marka ay dalkooda dib ugu laabtaan waxay ka sheekeynayan xaalado cajiib ah oo ay la kulmeen mudadii ay joogeen waddanka.

Dadkaas waxaa kamid ah Bashir Hayford, kaasi oo ahaa Tababarihii xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ee lagu naaneeso magaca Ocean Stars.

Hayford ayaa tilmaamay in uu waayo qurux badan ku qaatay gudaha dalka dhaca Geeska Afrika, wallow uu xusay in uu ku noolaa "wadne kur-kur badan".

Bishii Maaj ee sanadkan ayaa loo magacaabay xilkaas. Guulo kala duwan ayuu soo hooyey, xitaa wuxuu ku dhowaaday in uu u soo baxo Koobka Aduunka 2022.

Inkasta oo ay Tanzania ka ciribtirtay, waxay sameeyeen xulkaas taariikh weyn oo ah in ay Soomaaliya guuleystay kulankii ugu horeeyay ee is-reereebka koobka aduunka.

"Aad ayaan ugu raaxeystay gudaha Soomaaliya balse caqabada ayaa ah xaalad kacsanaan ah. Maalin walba waxaa dhacaya qarax," ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Bashir Hayford ayaa horey soo noqday tababaraha xulka qaranka kubadda cagta Ghana, dhanka haweenka, iyo leeliyaha kooxda Kotoko oo isla dalkaas ka dhisan.

"Mararka qaarkood adiga oo jiifa ayaad maqleysaa qarax, arkeysaa uurada, waa cabsi, balse waan maareeyay xaaladaas," ayuu hoosta ka xariiqay.

Mar uu is-barbardhig ku sameeyay waayihiisii Soomaaliya iyo Ghana ayuu soo bandhigay xaqiiqadda dhabta ah ee maankiisa ka guuxeysa.

"Sidda Ghana looga ciribtiray. Joogitaankeygii goobnaa ee halkan aad ayaan ugu farxay. Ghana dhab ahaantii waa mid barakeysan," ayuu u sheegay Angel FM.

Maamulahan waaya aragga ah ayaa sidoo kale wuxuu horey u soo hogaamiyay kooxaha kubadda cagta ee kala ah; Heart of Lions, Medeama si lamid ah Dwarfs.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM