Timo-jarihii gooldhaliyaha Juventus ee Cristiano Ronaldo oo la dilay

Image

MADRID, Spain – Timo-jarihii caanka ahaa ee xidiga Cristiano Ronaldo ayaa Jimcadii waxaa meydkiisa oo ay ka muuqato dhaawacyadda Mindi laga helay huteel ku yaala dalka Swizerland.

Sidda uu sheegay booliska magaaladda Zurich, Ricardo Marques Ferreira ayaa waxaa la helay isaga oo dhul saaran sariirta kana ak-dhowaa iskuube.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ay hal qof u xireen falkan. La tuhunsanaha oo 39-sano jir ah waxaa la rumeysan yahay in uu u dhashay Brazil.

Ma cadda sababta keentay khaarijinta. Balse, laamaha amaanka ayaa waxay ku waramayaan in ay baaritaan ku wadaan dhacdadan.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa tibaaxaysa in saacado kahor dilka ay qeybta soo dhaweynta huteelka fariimo ka heshay qolka balse markii ay tageen ay arkeen meydka.

Meesha ay wax ka dhaceen lagama soo helin hubkii loo adeegsaday falkan. Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo hay'addaha amaanka soo saareen.

Ronaldo, ciyaaryahankii hore ee Real Madrid iyo Man United haatana ka tirsan naadiga reer Italy ee Juventus, illaa iyo hadda kama falcelin akhbaartaan.

Ferreira oo la shaqeeyay jilaayaal caan ah ayaa markii ugu dambeysay waxay meel kasoo wada muuqdeen Ronaldo sanadkii 2015-tii.

Cristiano Ronaldo, oo loo aqoonsan yahay in uu kamid yahay ciyaartoyda ugu fiican ee kubadda cagta aduunka, ayaa waxaa uu mushaar ahaan u qataa aduun lacageed dhan 31 milyan oo Yuuroo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM