'Amni-darada' Muqdisho: Sharaf-dil, saluug hogaamin iyo kala shaki

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu si adag uga doodey xaalada ammaan ee dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho oo mudooyinkii u dambeeyay liidatay.

Ajandahan ayaa miiska lasoo saarey ka gadaal markii 22 mudane ay mooshin ka gudbiyeen qodob kale oo ku saabsanaa korontadda. Xildhibaanadda ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyey soojeedinta sharci-dejiyeyaasha.

Sidoo kale, xubnaha Aqalka Hoose ee la hadlay kulankan ayaa carabka ku dhuftey in amniga "faraha kasii baxaya" uu haatan u muuqdo mid isku badalaya "sharaf dil, saluug hogaamin iyo kala shaki".

Sharaf-dhac

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa "sharaf dhac" ku tilmaamay in laamaha ammaanka dowladda federaalka "aysan wali dad u soo xirin" weerarada iyo qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimadda Muqdisho.

"Amnigii faraha ayuu ka baxay; walina ma jirto cid loosoo qabtey kiisaska dhacay, dadka hay'adaha amniga ku fashilmay oo aan walina waxba laga qaban waxay sharaf dhac ku tahay dhamaan dowladnimadeena," ayuu yiri.

Wuxuu sii raaciyey hadalkiisa: "Guddiga ayaa loo saarey waa kusoo daalnay waa in aan ka gudubnaa. Madaxda hay’adaha amniga waa in ay hor-yimaadaan baarlamaanka".

Saluug hogaamin

Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo sheegay in amniga mudaneyaasha uu khatar ku jiro ayaa saluug ka muujiyey hanaanka hogaaminta guddoonka Aqalka Hoose oo uu ku qeexay "mid ka hooseysa filashadeena".

Qawdhan oo degaan doorashadiisu tahay Puntland ayaa carabka ku adkeeyay in sharci-dejiyeyaasha "kaararkooda aqoonsiga lagu wadaago WhatsApp-ka iyadda oo la leeyahay kaas masoo daynaa". Ma bixin fahfaahin dheeri ah.

"Guriyahiina camirateen, baabuurta isku-wareejiseen sharaf dhacana nagu dhacayana idinka ayaa u sabab u ah," ayuu tibaaxay. "Waxaan rabnaa in aan si dhab ah idinla xisaabtano ama aan kala leexano shalayba anagaa idin keenay".

Kala shaki

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo sheegay in amniga Soomaaliya iyo kan Xildhibaanada uu joogay heerkii ugu xumaa ayaa hoosta ka xariiqay in ay hoos-u-dhacdey is-aaminaadii "ayna ubucdkii ka dhacayaan qaraxyo".

"Intaas waxaa dheer tacadiyada ay la kulmayaan dadka Xildhibaanadda ah. Waxaa la leeyahay taliye hebel xiriir la sameyso. Waxaa lagu leeyahay ciidankii ma kula gudbayaan Cadow ayaan leenahay," ayuu ka dhawaajiyey.

Dhanka kale, xubnaha Golaha Shacabka ayuu dhankooda ku waaniyey in ay gutaan waajibaadka ka saaran la xisaabtanka hay’adaha amniga. Guddoonka Golaha Shacabka ayuu ku tartarsiiyey in uu wax ka qabto tabashadda Xildhibaanadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Mareykanka si gaar ah ugu taakuleeyaa ciidamadda Danab?

Mareykanka ayaa ogolaaday 2017-kii in uu gacan ka geysto tababarida iyo qalabeynta 3,000 askar kumaandoos ah.

  • Faalada Warka

    27-04-2024

  • 01:52PM

Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

  • Faalada Warka

    24-04-2024

  • 06:07AM