Dib u curushada nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ma dhaboobaysaa?

Image

Axdigii ku meelgaarka ahaa ee maamulka Puntland lagu aasaasey1998 wuxuu ahaa mid ku meel gaara, ujeedka axdiga ayaa ahaamid ka turjumayey baahida loo qabay maamul rasmiya oo ka hanaqaada Goboladii Waqooyi-Bari la isku oran jiray ka hor bur burkii xukuumadii dhexe ee Soomaliya.

Axdiga ayaa ahaa mid umuujinayey shacabka Puntland wadadii u sahli lahayd inay u gudbaan maamul rasmiya oo ka dhamaystiran dhamaan adeegyada dawladnimo.     

Wadada ayaa ahayd in la sameeyo dastuur rasmiya oo ay Puntland yeelato, waxayse qaadatay wakhti dheer in lagaaro yoolkaa, ugu danbeyntii xukuumaddii u hogaminayey Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku guulaystay 18 April 2012 inay afti u qaado dastuurka cusub ee Puntland kaasoo ay ku cadaayeen dhammaan astaamihii dawladnimo sida; calanka rasmiga ah ee Puntland.    

Dastuurka cusub ayaa cadeynayey in hanaanka siyaasadeed iyo midka doorashaba loo badalo nidaam axsaabeed lagana guuro qaabka qabilgaa ee 1998 wax lagu soo askumay, isla markaana awooda rasmigaa ay yeeshaan shacabka Puntland.   

July, 2011 Puntland waxaaa ka baryey waa cusub oo siyaasadeed kadib markii Madaxweynihii xiligaas mudane Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo Gudoomiyihii Baarlamanka ee isla xilgaas mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ay soo xuleen, isla markaana si guudloo shaaciyey 9-kii xubnood ee u horeeyey oo noqda gudiga doorashooyinka Puntland.   

Gudoomiyihii u horeeyey ee gudi doorsho Puntland ayaa laga dhigay Dr. Maxamed Xasan Barre, dadaal dheer ka dib waxaa aasaasmey axsaab badan oo ay kamid ahaayeen Horseed, Hor-cad, UDAD iyo Midnimo wallow ay jireen kuwa kale oo aanan xusin.    

Caqabadihii ka horyimi doorashadii cod iyo qof ee la filayey inayqabsoomaan ayaa waxaa abuuray siyaasiyiin kala figrado duwanaa oo midkii dantiisa ka dhex arki waayaba uu si khaldanshacabka ugu dhex faafiyey warar uu rabay inuu ku fashiliyo qabsoomida doorashooyinka axsaabta badan ee la filayey Jan 2009.    

Si kastooy ahaataba 25 April 2016 kadib waxaa Puntland ka shaqa bilaabya markale guddi doorasho oo uu hogaaminyo Axmed Maxamed Cali (Kismaayo), su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah;Dib u curushada nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ma dhaboobayaa? ayadoo la xasuusanyahay dhamaan dhibaatooyinkii caqabadda ku noqday dhaqan galintii doorshadii hore oo ay kamid haayeen; Dilal loo gaystay saraakiil miisanweyn ku lahaa Puntland oo uu kamid ahaa Kol.  

Cabdi Jaamac Cilmi (Dhagaf) oo lagu dilay magaalada Qardho 14 July,2013 xili uu u joogay sugida amaanka doorashooyinkii la asteeyey wakhtigaas, Deegaano Puntland ka tirsan oo gacanteeda ka maqnaa walina aa la soo celiniyo Aasaasida maxkamad dastuuri oo aysan wali ku galaysan xukuumada madaxweyne Gaas.   

 Ugu  danbeyn; ka hirgalinta hanaan xisbiyeed degaan aysan horayuga jiran ayaa ah mid u baahan Karti, Dadaal, sugid Amaan, Dhaqaale iyo arigti dheer oo Siyaasadeed. Waxaan la iska indhatiri Karin dhabitaayinkii siyaasadeed ee ka hor yimi xukuumada u hoogansho Madaxweyne Gaas mudadii 2 sano ahyd ee ay xilkahaysay taasoo ay ka mid ahayd gadood ciidan, mid xukuumadeed, sixir barar ka dhashay lacago la daabacday, iyo kalsooni daroshacab oo ka dhalatay qaadashadii 4.5 ayadoo aan dadweynahadib talada loogu soo celin.

Qore:  Awil Muhiyadin Ahmed

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM