Gaas: Jawabtan waxba ha ka soo qaadin waa kuwii hore oo kale

Image

Qore: Jama Ismaaciil  Cumar

 Madaxweyne Gaas waa khabiir reer Puntland si fiican u bartey dabcigooda iyo ma qashiinta dhagahooda kalamadaha ay jecel yihiin.

Waxaa bilowga bisha September Xasan Shiikh barnamijka Doodwanaag ee talefishinka Universal soo diyaariyey  ma yiri  "inay Puntland ka kooban tahay laba gobol iyo bar dhexdoodana todoba gobol sameysteen". Hadalkaa Hasan Shiikh ka soo yeeray reer Puntland wuxu ku noqdey mid ay ka gam'i waayen goobwalba oo siyaasadaha lagu gorfeeyo la isla dhexmarayey war Xasan ha loo jawaabo yaanan hadalkaa looga harin. 

Runtii Aniga ka shakhsi ahaan hadalka Xasan Shiikh  yiri wax weyn uma arkin inuu dhimay Xasam wax ala wixi lagu heshiiyey Federal level ayuu daaqada ka tuurey mududii uu xilka hayey wax kasta oo Puntland oo heshiisa oo dhex mareyna wax kama jiraan ayuu ka soo qaadey.Ka gama'a la'aanta Puntland labada eray uu yiri Hasan waxay u dhigantaa ninkii hantidii gurigiisa taaley la dhacey oo laba kabood oo dacas ah wixi laga qaatey ku jiray ka samri waayey mudaci ka ahaa. 

Balse Madaxweyne Gaas labadii eray Xasan yiri jawaab ka bixintooda wuxu ka dhex arkey fursad, ileen waa nin dadkiisa dabcigooda dhab u yaqaane. Dr. Gaas intuu diyaarada soo saarnaa wuxu soo diyaarsadey labadii kalmadood uu Hasan ugu Jawaabi lahaa islamarkaasna isga jeedin lahaa diirada shacabka iyo halka uu ku maqnaa mudadii Puntland la soo gudboonaadeen qaraxyo ba'an. 

Markii uu kasoo dagay garoonka diyaardaha Dr. Gaas isagoo wajigiisa caro badan ka muuqato wareysigiisii ugu horeeyay ayuu jawaabtii qiic isku qarinta ahayd ku weeraray Xasan Shiikh - xususnow hade waa ninkii hantidii guriga tiilay dhacey oo laba kabood oo dacasa kaliya loo haysto.

17kii bari uu dalka ka maqnaa Dr.Gaas waxaa Puntland ka dhacey dhibaatooyin iyo mashaqooyin tira badan. Gaalkacyo waxaa ka mudadaas ka dhacey qaraxyo galaaftay dhimasho 30 qof kor u dhaafey iyo 50 kale oo dhaawac culusa ah. 

Waxay iyana Saraakiisha dalka Puntland u sareysa gawaari ciidan oo Ahlusuna wa jameeca u socdey leexsadeen ilaa hada arintooda taagan tahay.

Xanibaad gaadidkii isaga gooshi jiray Koonfur iyo Puntland oo iyagana la xanibay arimo amni dartood ka dib qarixii naxdinta lahaa. Hawlihii Galan iyo jidkoyntii Carmo oo wali iyaguna cakiran Ergadii arimahaan u joogtey hoteladii la dajiyey loo haysto lacagtii ku dagnaayen, kharashku meeshuu doono ha fulee waxay dhawraan Beeldaajiyayaashi waa jawaab balanqadkii loo galey IWM.

Cabashooyinka, dayaca iyo maamul xumada kale hadba shirkad ganacsi tikiniko madaxtooyo ku weerar shaley Amal maantey Golis waa xaajo uguba Dawladii (state) oo boobeysa shacabkeedii (society) Democracykii ma Authoritarian buu isu badaley maxaa ku dhacey sareynata sharciga (the rule of law) lama soo koobi karo. 

Hadaba intaas oo arimood oo taagan imaatinka Madaxweynaha lala dhawrayey laba kalmadood oo uu Xasan Shiikh hawada u mariyey ayaa quluubta dadka halmar dhinaca kale u rogtey:

 " Hadalka Xasan waa mid nacasnimo ah oo aan laga fiirsan Puntland afkiisa ku yaraan mayso kuna waynaan mayso....xasan waa damiin ha kala barto dalka uu madaxweynaha u yahay'

Hadaba aqoonta uu madaxweyne Gaas dadkiisa u leeyahay darteed ayuu ula kac hadalkaa xanafta leh dhagaha ugu ridey, shacabkuna qaateen islana dhexmareen 'iska dhaaf, walee inuu laba xiniinyood yahay rag rag dhaley' halkaasna ku hilmaalmeen caqabadihii iyo dhibaatadii qaraxii sababeen dhaawacyada wali dhab loo daryeelin, amni xumadii  Galkacayo iyaduna dhinaceeda ka jirto, Isbarooyinkii dawlada ee shirkadaha lagu weerarayey iyo gaadiidka gobolada kale u socda la afduubayey Garowe ka jiraan iyo ciidamo beeladyadii Gobolka Bari isku urursanaya diiwan galintoodii halkeeda iyaguna ka socoto ayaa maanta Dr. Gaas Xamar u duuley isagoo aad loogu riyaaqey labadii kalmadood Hasan ku yiri.

Ma aha markii ugu horeysay hadaladaa noocasa hawada la isu mariyo hada ka hor Madaxweyne Gaas ayaa kalmada iyo hadalo noocaan ah horey Hawada ugu mariyey Maaxweynaha Somalia xiligii lagu jirey diidmada 4.5 waxayna aalaaba ku soo dambeysaa gacan qabsi, quraac beer kulul Villa Somalia lagu wada cuno iyo Hasan oo loo saxiixo wixi warqado Puntland - waa iska qeybin xeel dagaal.

Qore: Jama Ismaaciil  Cumar 

Aragtida qoraalka waxaa Iska leh qoraaga kor saxiixan kama tarjumi karto midda Garowe Online.

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM