Maxaa Mirihii Gunta Kuugu Jiray Geedka Kaa Saarey!

Image

Markii uu Xamar M.Dr. Gaas Shir-Jaraid ku qabtey, sicadna u sheegay in go'aanka shirka wadatashiga ka soo baxey uu san aqbaleyn isalamarkasna aheyn wixii ay u soo wakiishen reer Puntland.

Dhabtii go'aan kaasi in badan oo reer Puntland ayaa aad ugu farxay, shakigii iyo walwalkii ay ka qabeen halka xaajo lagu furi doono waa uu ka feedmay durbadii.Waxaana islamarkii bilaabmay taageerid reer Puntland af iyo adinba ku gadaal istaageen go'aanka geesinimada leh uu qaatey M.weynuhu. 

Qiiqa shacuurta shacabka ay kicisay waxay in badan oo naga mida araga isaga gudubtey in ay dhab u arkaan xaajada gunteeda hoose.

Bal caadka xamaasadu indha naga dabooshey aan waxyar ka yara feydo, qofku haduu guri lagu yaqaan iyo gogol lagu yaqaan ku seexan jiray inta badan noloshiisa. 

Subaxdii markii la toosayna hadii  lagu arko isagoo ka soo toosaya meel qashin qub ah, qof kastoo yaqaaney markii uu arinta maqlo  ama arko hebal oo gudaafad ka soo toosey, sidee shacuurtooda noqoneysaa markii arinka loo sheego in hebal subaxdii lagu arkey isagoo meel qashina hurda, dabcan dadkaasi waxaa la soo guboonaanaya xaalad naxdin, yaab iyo shakiba leh.

Qaabka maskaxda bini'aadamku u shaqeyso waxay isugu jirtaa qayba badan oo mid walba shaqo gaara qabato halkaana kuma soo wada koobi karno, balse mid ka mida qaabka maskaxdu u shaqeyso aan gaar ula baxno oo quseysa mowduuceenan.

Daniel Goleman oo ah psychologist aqoonta ilaa heerka Phd ku haysta kana baxey Harvard University NY wuxuu ku takhasusay waxa loo yaqan Human behaviour (dhaqan dadka) iyo Human relationship (tacamulka dadka)  - wuxuu professor ku si aad ugu sii durkay Emotional learning oo ah Barashada Dareenka qofka, oo ah qaabka Maskaxdu u tarjunto xaalada qofka soo wajahadey si ay u timaado go’aan qaadsho.

Daniel Goleman cilmi baaris dheer u sameeyay wuxuu 1995kii cilmiga barashada hab-dhaqanka bini’aadamka ku soo kordhiyey waxa la yiraahdo Emotional Intelligent, waa sida loo xakameeyo dareenka maskaxda islamarkaasna loo qaato go’aan qaadashada midka ugu fiican oo markas kaga gubi kartid xaalada ku soo foodsaarta - Emotional Intelligent waxa Maado ahaan aad u barta hogaamiyayaasha Siyaasada ama hogamiyasha Shirkadaha ganacsiga waa-weyn.

Dib aan ugu noqo qofkii halkii qashin qubka aheyd ka soo toosay, dareemada badan ay maskaxdu siinayso dadkii arinkaa la kulmey inta badan waxay noqonayaan kuwa ku saleysan argagax iyo walwal.

Waxaa laga yaabaa dadkaasi inay san helin xaqiida dhabta ah sababta goobtaa geysay dareemada argagaxa u badan dartood, balse hadey yaqaanan sida loo xakameeyo dareemada noocaas Emotional Intelligent waxay maskaxdu fursad u helaysaa in ay ogaato xaqiiqda dhabta ah sida qofkaas goobta gudaafada ah uga soo toosay.

Sidaa darteed go’aankii Madaxweyne Dr. Gaas uu Xamar kaga dhawaaqey wuxuu la mid yahay ninkii goobta qashinka kansoo toosay dadkuna walwal ay u qabeen xaaladiisa darteed ay u riyaaqeen markii uu gurigiisa aqoon saday, balse inteena tirada yar oo Professor Daniel Goleman xeesha Emotional Intelligent ka bartey waxaan isweydiineynaa ninka gudaafada ka soo toosey gurigiisa haba aqoon sadee maxaa marka hore gudaafada seexishey?

Qore: Othman MJ.

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM