Muxuu yahay xalka la isugu imaan karo doorashada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faallo ka qoray doodaha ka taagan doorashadda Soomaaliya ee 2020-2021, iyadoo laga digayo mudo-korarsi sharci darro ah, oo ay sameeyaan madaxda hadda haysa talada dalka.

FAALADDA:

Maalmahan waxay dooddiisu socotaa sharciga doorashooyinka ee uu soo turxaan bixiyey Guddigii uu Baarlamaanku u saaray dib u eegista sharciga doorashooyinka. Inta badan doodda ayaa hal dhinac u socota marka laga reebo dhowr ruux oo lagu tiriyo in ay madaxweyne Farmaajo la jaal yihiin.

Sharciga cusub wuxuu meesha ka saaray in cod-bixintu ay noqoto hal doorasho deegaan (single constituency), oo wuxuu soo jeedinayaa doorasho deegaan ku saleysan maamul goboleedyada haatan jira (multiple constituency), wuxuu kaloo meesha ka saaray in doorashada lagu saleeyo nidaamka matalaadda nisbada liiska xiran (Proportional Representation, PR - Closed list) oo la dooranayo Xisbiga oo keliya, Xisbi walbana loo xisaabinayo codadka guud ee uu helo, xisbiguna uu go’aaminayo liiska murashaxiinta xisbiga iyo siday ku soo baxayaan, wuxuuna soo jeediyey nidaamka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka hal-dheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka iyo liiska furan oo ah in aan loo hoggaansamin sidii liiska doorashada horteed loo dejiyey, magacyaduna u kala horreeyeeen.

Wuxuu kaloo meesha ka saaray in Madaxweynaha uu ka imaanayo Xisbigii hela 50+1 xildhibaannada Baarlamaanka, taasoo khilaafsan qodobka 89aad ee Dastuurka.

Doorasho toos ah mise doorasho qof iyo cod ah.

Doorasho qof iyo cod ah waa in shacabku si toos ah oo xakameyn la’aan ah ugu codeeyaan ciddii ay doonaan oo si madax-bannaan ama Xisbi ka socda ee u tartamaya kuraasta Baarlamaanka.

Haddiise kuraasta Baarlamaanka la sii kala suntado oo 275 ka kursi beelihii kala lahaa ay sidoodii u kala leeyihiin, muwaaddinkuna uu kala dooranayo musharraxiinta beesha oo keli ah, lama oran karo waa doorasho qof iyo cod ah, laakiin waxay noqon kartaa doorasho toos ah oo aan ahayn mid dadban.

Doorashadii 2016 kii waxay ahayd mid dadban oo odayaasha dhaqanka ay soo xulayeen ergooyinka codka bixinaya, halka musharraxa u taagan kursiga Baarlamaanka uu si madax-bannaan isku soo taagayey, kursiga lagu tartamayana ay lahayd beeshii loo suntay.

Laakiin sharciga dooddiisu ay haatan Baarlamaanka ka socoto waa doorasho toos ah, laakiin ma aha qof iyo cod. Keliya hannaan doorashadii 2016 kii waxaa lagu soo kordhiyey dhowr qodob oo la oran karo waa horumar iyo tallaabo horay loo qaaday, waxaana qodobbadaas ugu muhiimsan:

1- In musharraxa kursiga Xildhibaanka uu Xisbi soo sharaxayo, halkaas waxaa ka baxaya musharraxii iskiis oo madax-bannaan isku soo taagayey iyo

2- In cod-bixiyaashan ay si toos ah isku diiwaan geliyaan oo aysan u baahneyn in oday dhaqan soo magacaabo, iyadoo ay cod bixiyayaashu isku diiwan gelinayaan 275 ka kursi, qofkiina uu hal kursi oo keli ah ka codayn karo. Waxay u baahan tahay in la helo nidaam diiwaan gelin ee lagu wada kalsoon yahay.

Hannaanka doorashada tooska ah waa mid fudud oo haddii loo hawl galo la qaban karo ka hor inta uusan dhammaanin muddo xileedka dowladda haatan jirta.

Doodaha is diiddan.

Waxaa jira doodo is diiddan oo ku gadaaman sharciga doorashooyinka. Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxay weli olole ugu jiraan in doorashadu ka dhacdo meel kasta oo dalka ah isaga oo dalku yahay hal deegaan doorasho (Single national Constituency), in doorashada lagu saleeyo nidaamka matalaadda nisbada liiska xiran (Proportional Representation, PR - Closed list) oo la dooranayo Xisbiga oo keliya, xisbiguna yahay midka go’aaminayo liistada murashaxiinta xisbiga iyo siday ku soo baxayaan, iyo in madaxweynaha uu ka yimaado Xisbigii hela aqlabiyad fudud oo 50+1 Xildhibaan oo ah 140 Xildhibaan.

Tuhunka hannaankaas laga qabo ayaa ah in Farmaajo uu is leeyahay maaddaama amniga dalka waxba laga qaban, ayna adag tahay in doorasho deegaan dalkoo idil laga hirgeliyo in duruufaha amni dartood doorashada kuraasta ugu badan lagu qabto magaalada Muqdisho, halkaasna ay ka codeeyaan waxa loogu yeero xoogagga waddaniyiinta, kuwaasoo uu horay u diyaarsaday.

Doodda muddo kororsiga.

Waxaa jira xildhibaanno badan oo ku doodaya in aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah, sidaas-darteed Baarlamaanka haatan jira ugu yaraan muddo 2 sano ah xilka loo kordhiyo, uuna doorto guddoon baarlamaan iyo Madaxwayne cusub. Su’aasha ugu wayn ee hor-taagan dooddaas ayaa ah hawshii 4 sano lagu qaban waayey miyaa 2 sano lagu qabanayaa? Madaxwaynaha ma yeelayaa in Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, isagana doorasho loo diro. Waxaase imaan kara dood oraneysa ha loo wada kordhiyo.

Doodda ah ha la wada kororsado waxaa dilaya in aysan jirin sabab taas keeni karta. Haddi qabasho la’aanta doorashada xildhibaannada loo saariyo sababo iyo duruufo amniga la xariira, doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaa lagu qaban karaa tiiba maalin. Maxaa haddaba lagu sababeynayaa muddo kordhinta madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka?.

Haddiise madaxweynuhu uusan muddo kordhin heleynin, muxuu ka macaashayaa muddo kordhinta Baarlamaanka? Haddaba doodda muddo kordhinta ma aha mid shaqayn karta, waxaana taas ka sii daran in Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada siyaasadeed aysan marna yeeli doonin iyo beesha caalamka oo ay ku adkaan doonto in ay tageero siiiyaan dowlad aan sharciyad haysanin, dibna loogu laabanayo ku meel gaar.

Doorasho toos ah.

Waxaa muuqata in doodda la isku wada raaci karo ay tahay in la hirgeliyo qabashada doorasho toos ah, taasoo ka dhigan horumar lagu sameeyo doorashooyinkii 2016 ka. Lama oran karo doorasho qof iyo cod ah, maaddaama kuraasta Baarlamaanka ay yihiin kuwo horay beelo loogu sii suntay, cod-bixiyuhuna ku qasban yahay inuu qabiil u codeeyo oo uusan fursad u heli karin in qofkii uu doonayey u codeeyo.

Cod-bixiyuhu weli waa xanniban yahay, laakiin wuxuu xor u yahay in uu kala doorto qabiilka. Doorashada qof iyo codka ah ee hannaanka dimoqraadiga ah cod-bixiyuhu deegaan doorasho kiisa dhaafsiisan kama codayn karo, laakiin cidii uu doono ayuu kursiga u go’aamin karaa.

Maaddaama cod-bixiyaha uusan oday dhaqan soo xulaynin ee uu toos isku diiwan-gelinayo, waxaa la oran karaa cod-bixintu waa mid toos ah.

Guntii iyo gebogebadii waxaa habboon in xildhibaannada Baarlamaanka ee ku doodaya muddo kordhiska in ay meel iska dhigaan damaca muddo kordhinta, sidoo kale Madaxweynahana waa in uu ka haraa hammiga uu is leeyahay xoogag waddaniyiin ha ku doortaan, doorasho is daba maris iyo ku shubasho ah aad meel marsatid. Sidoo kale Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

(GMDQ) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) in ay iska daayaan dhalanteedka ah in la qabanayo doorasho qof iyo cod ah, ee loo soo wada jeesto sidii loo qaban lahaa doorasho toos ah oo xilligeeda ku dhacda.

Haddaba Haddii meel la iska dhigo damacyada waalan, lana xeeriyo danta shacabka, xasilloonida dalka iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, waxaa abuurmaya jawi looga wadashaqeyn karo sidii loo qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo is-oggol iyo isla-guddoon ku dhisan.


W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame, hogaamiyaha Xisbiga Wadajir

Related Articles

Kororka weerarada Al-Shabaab ee bisha Ramadan: Dayac mise fashil sirdoon?

Waa weerarkii todobaad oo Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

  • Maqaalo

    27-03-2024

  • 05:16AM

Askar calooshood-u-shaqeystaal ka howlgala Soomaaliya oo la dhisayo

Imaaraadka Carabta ayaa lagu waramay inuu yagyeelayo guutadan ciidan oo ka kooban 3,000 askari.

  • Maqaalo

    16-03-2024

  • 08:42AM