​20 ku dhimatay labo taareen oo isku dhacay Talyaaniga

Image

Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 ruux ku dhinteen shil ka dhacay meel u dhow magaalada Andria, Koonfurta waddankaasi.

Shilkan ayaa yimi xilli labada Tareen marayeen hal jid, waxaana goobtaasi ku dhaawacmay ilaa 20 qof.

Lama oga sababta keentay shilkan, waxaana goobtaasi masiibadu ka dhacday gaaray saraakiil katirsan laamaha ammaanka iyo waaxda dab damiska dalkaasi.

Sawirro laga qaaday Hawada ayaa muujinaya bur-bur xooggan oo labada tareen soo gaaray.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka iyadoo warar aan kasoo xiganay saraakiisha Caafimaadka oo u waramay warbaahinta dalkaasi sheegeen in tirada dhimashada siyaadi karto.

Ra'isal wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa warbaahinta caalamiga ah u sheegay, "Ma joojin doono baaritaanka aan wadno ilaa aan ku caddayno sida wax u dhaceen iyo sababta keentay".

Renzi, ayaa hadalkiisa raaciyay,"Waqtigan waa waqti murugo, waxaan u baahanahay inaan qabano shaqo adag si ay usoo kabtaan dhibanayaasha shilkan iyo dadka dhaawacmay".

Masiibo tanoo kale ah waxaa u dambaysay 2009 xilligaas oo dalkaasi bartamahiisa gaar ahaan Viareggio isku dhaceen labo tareen, waxaana ku dhintay 30 qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM