​25 ruux oo lagu dilay dalka Yemen

Image

MUKALLA- Qarax loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa maanta lagu weeraray saldhig Booliis oo ku yaalla magalada Mukalla ee dalka Yemen, waxaana falkaasi ku dhintay in kabadan 25 qof.

Saraakiil katirsan dowladda ayaa xaqiijiyay geerida 25 ruux oo ay sheegeen in loo qorayay kamid noqoshada ciidamada Booliiska dalkaasi.

Weerarkan ayaa dhacay xilli dadka loo qorayay ciidamada saf ku jireen xarun ciidan oo ku taalla magala Koonfurta dalka Yemen dhacda.

Kooxda ISIS, ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Sannadkii hore, ayaa ciidamada dowladda Yemen kooxaha argagixisada ka qabsadeen magalada Mukalla.

GAROWEONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM