36 ruux maydkooda oo laga helay Turkiga

Image

06 January, 2016(GO)-Ilaa soddon iyo lix ruux oo tahriibayaal ah ayaa maydkooda laga helay badda u dhaxaysa Giriigga iyo Turkiga kadib markii ay qaraqantay dooni ay lasocdeen, waxaa arrintan warbaahinta usoo bandhigay saraakiil katirsan dalkaasi.

Shilka dadkaasi ku dhinteen ayaa loo aaneeyay dabaylo ka dhacayay badda ay ku safreen, waxaana maydadka la helay ku jiray caruur aad u da'yar.

Dhinaca kale laamaha amniga waddankaas ayaa ku guulaystay badbaadinta 12 ruux oo muhaajiriin ah.
Weli si rasmi ah uma cadda inta doonyood ee badda ku degtay, hasa yeeshee wakaaladda wararka ee Dogan, ayaa ku warantay inay dhibaatadu ka kala dhacdey laba meel.

Meydadka laba ruux ayay ciidamada ka soo saareen xeebta degmada Ayvalik, halka inta harteyna ku soo caariyeen Dikili, oo 50 KM dhinaca koonfureed ka xigta degmada Ayvalik.

Wali lama caddayn dhalashada dadka dhintay balse waxaa la rumaysanyahay inay u dhasheen waddanka Suuriya islamarkaana kasoo carareen colaadda iyo duqaynta diyaaradaha shisheeye ka gaysanayaan dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dalalka Khaliijka oo qaadaya tallaabooyin degdeg ah kadib weerarrada Iran

Sidoo kale, Saudi Arabia ayaa sheegtay in laba ka mid ah warshadaha sifeynta shidaalka ee dalkaas la weeraray.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 05:25AM

Dalalka Iiraan u Oggolaatay Inay Maraakiibtoodu Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Hadalladaas ayaa si degdeg ah u saameeyay suuqyada tamarta, iyadoo qiimaha shidaalka…

  • Caalamka

    16-03-2026

  • 05:03PM