47 qof oo lagu dilay dalka Sacuudiga

Image

02 January, 2016(GO)-Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa maanta toogasho ku tishay 47 qof oo loo haystay dambiyo la xiriira argagixiso, waxaana falka qasaasta shaacisay wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaaso oo tilmaamtay in lagu helay xukunkii loo haystay.

Dadka la toogtay waxaa ku jira wadaad Shiico ah oo lagu magacaabo Nimri Baaqir Al-Nimri, waxaana sannadkii 2012 Boqortooyada Sacuudiga ujeediyay dhaleecayn isagoo tilmaamay in dalkaasi doorasho ka dhacdo, balse loo aqoonsaday argagixiso.

Dilka Nimri, ayaa ka dhashay banaanbaxyo ay dhigeen dadka laga tirada badanyahay ee Shiicada, iyadoona xukuumadda Tehran sheegtay in arrintaasi Sacuudigu kala kulmi doono cawaaqib xumo.

Ragga ladilay waxa ku jiray wadaad sunni ah oo isna loo haystay falaal argagixiso, waxaana lagu magacaabi jiray Fares Shuwel.

Badi dadka la qisaasay ayaa kasoo jeeday Boqortooyada Riyaad marka laga reebo labo nin oo ukala dhashay Chad iyo Masar, wuxuuna dalkani kamid noqonayaa shanta waddan ee ugu dilka badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM