​65 qof lagu diray weeraro ka dhacay Suuriya

Image

Wararka aan ka helayno xeebaha dalka Suuriya, ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn lala eegtay goobo ay isugu yimaadaan bulshada iyo baro laga raaco basask.

Ilaa  dhawr qarax ayaa dhacay maanta, waxaana ku dhintay in kabadan 65 qof.

Qaraxyada qayb waxaa fuliyay dad isku soo xiray walxaha qarxa, waxayna beegsadeen goob lagu ganacsado.

Saraakiil la hadashay warbaahinta Suuriya, ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan cidda ka mas'uulka ah falkaasi, waxayna sheegeen inay ka xunyihiin weeraradaas gacantana kuso dhiigi doonaa shakhsiyaadkii ka dambeeyay.

Warbaahinta Suuriya waxay sheegtay in meelaha la bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin goobo basaska laga raaco.

Weeraro intaas la eg ayaa naadir ku ah goobahaas. illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weeraradaas.

Muddo sanooyin ah dalkaasi ayaa ku jiray fowdo siyaasadeed, waxaana lagu laayay dad aad u badan kadib duqaymo ay fuliyeen mintidiinta diidan dowladda Bashaar al-Asad iyo dalalka reer Galbeedka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM