Afgambi ka socda Waddanka Zimbabwi

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARARE, Zimbabwi- Ciidamada Milatariga dalka Zimbabwi ayaa gudaha usoo galay caasimadda dalkaas ee Harare, kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha talada haya ee Robert Mugabi iyo taliyaha ciidanka Generaal Constantino Chiwenga.

Goob joogayaal ku sugan caasimadda Zimbabwi ayaa ku waramaya in ugu yaraan saddex qarax oo waaweyn ay ka dhaceen gudaha magaalada kuwaasoo ilaa hadda la cadayn cidda mas'uulka ka ah iyo halka bartilmaameedku ahaa.

Ciidanka oo dhaq-dhaqaaq xooggan ka wada guud ahaan dalkaas ayaa lagusoo waramayaa inay sidoo kale la wareegeen xarunta Telefishinka dalkaas ee ZBC iyadoo xalay uu baaqday warkii la baahin jiray 11 habeenimo.

Kacdoonkan ayaa loo malaynayaa inuu salka ku hayo hadal Talaadadi kasoo yeeray dowlada Zibabwi oo Khiyaano qaran ku eedeysay taliyaha ciidamada xooga, ka dib markii sida ay sheegeen uu ku goodiyey in uu farogalin ku samayn doono siyaasada dalka.

Warbixin uu soo saarey xisbiga talada hayo ee ZANU-PF ayaa lagu xusay in ay ka walwalsanyihiin xaaladda dalka iyo in ciidanka wadaan waxay ugu yeereen Af-gambi.

Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii, isagoo sheegay in milatarig u diyaarsan yahay inuu soo afjaro khilaafka xisbiga ZANU-PF.

Laanta VOA-da ee dalka Zimbabwi ayaa baahisay in taliye ku xigeenka ciidanka oo la hadlayay warbaahinta dowlada uu dadweynaha u sheegey inay isdajiyaan, "Wax afganbi ah kama jiro dalka. Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo."

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda uu hogaamiyo Mugabe kaasoo dalka xukumayay ilaa 1987, waxaana kacdoonka kusoo beegmay xilli la saadaalinayay inuu jagada ay kala wareegto xaaskiisa Grace Mugabe.

92 jirkan waqtiga dheer xukumayay waddankan ayaa lagu eedeeyay inuusan kasoo bixin waajibaadkii loo igmada gaar ahaan wax ka qabashada Caafimaad, Waxbarashada iyo hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM