Afganistan oo shaacisay la wareegidda Kunduz

Image

01 Octoer, 2015(GO)-Dowladda Afgaanistaan ayaa sheegaysa in ay dib u qabsatay gacan ku haynta magaalada woqooyi ee Kunduz, saddex maalmood kaddib markii halkaasi ay qabsadeen dagaalyahanno ka tirsan ururka Taalibaan.

Arrintan ayaa lagu shaaciyay baraha bulshada iyadoo la soo dhigay Sawirro muujinaya in dowladdu gacanta ku dhigtay xarumo muhiim ah oo ay ka midyihiin saldhigyo ciidan.

Ururka Taliban kama hadlin warka Afgaanistaan, ee ku aadan in lagala wareegay magaalada gacanta u gashay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay.

Afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa tilmaamay in ciidamada Nato ay magaalada joogaan si ay ula taliyaan kuwa dalka afgaanistaan.

Maraykanka ayaa sidoo kale qaaday weerar cirka si ay u joojiyaan Taliban inay horay u socdaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM