Afghanistan: xildhibaanad ka badbaadey isku day dil

Image

November 16, 2014 (GO)- Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka dalka Afghanistan oo lagu magacaabo Shukria Barakzai ayaa ka badbaadey isku day dil, kadib markii qarax ismiidaamin ahaa lala bartilmaameedsaday maanta xilli ay gaarigeeda saarneyd  kuna sii jeedey xarunta baarlamaanka.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in weerarka oo dhacay goor hore oo maanta ah (Axad) uu geystey qof isa soo miidaamiyey islamarkaana watey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Wasaarada Arimaha Gudaha Afghanistan oo lagu magacaabo Sediq Dediqqi ayaa warbaahinta u sheegay in Shukriya dhaawac fududi soo gaarey xaaladeeda caafimaadna wanaagsan tahay. Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in qaraxaas ku dhinteen saddex qof oo midkood gabar yar ahayd 17 qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Mas'uuliyadda weerarka waxaa sheegtay ururka Taliban oo todobaadkii horena sidan oo kale isugu dayey inay khaarijiyaan taliyaha booliska Kapul Gen. Mohammad Zahir. Taaliban ayaa marar badan usoo hanjabtey xildhibaanadda maanta qaraxa lala eegtay.

Barakzai oo 42 jir ah waxay caan ku tahay u qareemista xuquuqda haweenka iyo madax banaanida saxaafadda.Tobankii sano ee ugu dambeeyey waxay ku jirtey baarlamaanka iyadoo ku guuleysatey abaalmarino caalami ah oo ku mutaysatay hawlkarnimadeeda.

GAROWE ONLINE              

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM