Apple oo soo saartay Taleefoon cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Muddo 10 sano ah ayaa laga soo wareegay markii ugu horeysay ee shirkadda Apple ay soo saartay taleefoonada gacanta ee casriga ah, balse 10 guuradeeda awgeed ayaa waxaa hadda lasoo saarayaa kii ugu casrisanaa ebed.

Inkasta oo isbadalo badan lagu sameeyay taxanaha taleefoonada Apple ee IPhone loo yaqaano, ayaa haddana isbadalka hadda lagu samaynayo uu yahay kii ugu weynaa inta la xusuusanyahay taariikhda ama xitaa maskaxda bini'aadamka ay sawiran karto in ay suurtogal tahay.

Xeeldheerayaasha tiknoolajiyadda ayaa sheegaya in qiimaha taleefoonka cusub oo lagu magacaabo IPhone X uu noqon doono mid aad u sareeya.

Waxa uu leeyahay naqshad cusub oo xoodan, waxa ku rakiban aalad wajiga lagu aqoonsan karo, iyo waliba tasiilaad kale oo aad u badan.

Inkasta oo ay badanyihiin isbadalii dhacay, haddane waxa aan xagga hoose ku eegaynaa 10 ka mid ah waxyaabihii muhiimka ahaa ee dhacay ee siyaabaha kala duwan saamaynta ugu yeeshay hayaanka tiknoolajiyadda taleefoonada, gaaar ahaan iPhone.

2004 : Curashadii mashruuca Purple

Kadib markii ay shirkadda ku guulaysatay kumbuyuutaraadka iMac iyo iPod , ayaa waxa ay biloowday in ay hindisto aalad cusub oo mustaqbalka la jaanqaadda.

Ninkii horay maareeyaha uga ahaa shirkadda Scott Forstall ayaa waxa uu xusuustaa in uu hindisan kala sheekaystay asaasaha shirkadda Steve Jobs qadada dusheeda. "Labadeenaba waxaan isticmaalaynay taleefoonadeena, balse aad ayaan u necbeyn, sababtoo ah ma jirin wax xiiso galinaya qofka oo ku jira halkaas" ayuu yiri.

"Agagaarkeena ayaan eegnay, qofkasta oo taleefoon haysta waxa uu u ekaa in uu xanaaqsanyahay marka uu isticmaalayaan taleefonka, Steve ayaa kadib igu yiri ma kula tahay in aan waxa aan kumbutuuraadka ku samaynay oo kale aan taleefoonada ku samayn karno" ayuu intaas ku daray.

Halkaas ayay ka bilaabatay fikaradda oo markiiba ay ka shaqo bilaabeen injineerada , waxayna bilaabeen in ay hindisaan dhagaatiyada danabaysan ee suurtogalka ka dhiga in taleefoonada ay u shaqeeyaan sida ay maanta yihiin.

July 2008 : Waxaa lasoo saaray dambiisha adeegyada Apple

Waxaa jira wax ka badan 200 oo adeeg oo ku kaydsan dambiisha Apple (Apple Store), balse biloowgii hore caqabado ayaa lagala kulmay in adeegyada ay ku shaqeeyaan taleefoonka dhexdiisa.

Muddo sanad ah ayayna qaadatay intii adeegyadani ay noqonayeen kuwa ku haboon in la isticmaalo.

Waxaa taariikh la xariiqay 9-kii bishii July 2008-dii kadib markii daaha laga rogay dambiisha Apple ee adeegyada kala duwan ay ku kaydsanyihiin.

September 2008 : Taleefoonka HTC Dream

Shirkadda HTC ayaa bishii September 2008dii soo saartay taleefoonka HTC Dream oo leh adeegyo casri ah sida in la diro karo fariimaha maqal iyo muuqaalka ah, in meel wax laga guurin karo (copy) oo meel kale la dhigi karo (Paste).

Sanadkii 2010-kii ayaa lasii casriyeeyay taleefoonka Android, taasna waxa ay ka xanaajisay Steve Jobs oo ku hanjabay in uu dhulka la jari doono shirkadan, wuxuuna ku eedeeyay in ay isticmaalayso waxyaabo kasoo xaday.

February 2010 : Waxaa lasoo saaray adeegga Siri

Shirkadda Apple ayaa lacag dhan $200 milyan oo doolar ku iibsatay adeegga Siri oo ay soo saartay shirkad yar oo ku taala California oo aanan aad loo aqoonin.

Barnaamijkan waxa uu qoraal ku turjumaa codka qofka, wuxuuna aqoonsadaa codadka kala duwan.

June 2010 : Taleefoonkii koowaad ee qofka kaligiis uu sawir isaga qaado Fool-Ka-Fool ama Selfie

Markii lasoo saaray taleefoonka iPhone 4 waxa aad looga hadlay kaamirada ku rakiban ee fool-ka-foolka ah, inkasta oo uusan ahayn taleefoonkii koowaad oo labada dhinacba kaamirada ku leh, 2003-dii taleefoonka Sonny Ericson ayaa markii koowaad loo sameeyay.

Haddane magaca Selfie ama Fool-Ka-Fool iyo fikradda ah in kaamirada taleefoonka uu qofka kaligiis sawir isaga qaado ayay waxa ay ahayd mid uu aad ugu soo caanbaxay taleefoonkan iPhone 4.

Sawirka fool-ka-fool waxa uu badalay dhaqankii dadka caanka ah saxiixa looga qaadan jiray, hadda sawir ayaa lala galaa si loo muujiyo in lala kulmay qofkaas.

Charles Arthur oo ah qoraaga buugga Digital Wars ayaa yiri "U fiirso meel kasta oo ay dadka isugu imaadaan, waxaad arkaysaa in dadka ay sawir fool-ka-fool ah la galayaan shaqsiyaadka caanka ah ee halkaas kasoo qaybgala".

October 2011 : Geeridii Steve Jobs

Haddii Steve Jobs uusan kusoo laaban lahayn shirkadda Apple sanadkii 1997-dii, waxaa la qiyaasayaa in shirkadani ay burburi lahayd, islamarkaasina aanan maanta la haysteen taleefoonada casriga ah ee IPhone.

Steve ayaa laga eryay shirkaddii uu isaga asaasay kadib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo dadkii kale ee madaxda ahaa, balse 1997-dii ayuu dib ugu soo laabtay, waxaana dhacay isbadalii ugu waawaynaa ee shirkadda.

Tan iyo markii uu geeriyooday , Apple ma aysan soo saarin qalab xitaa usoo dhawaan kara taleefoonka IPhone ee lasoo saaray intii uu noolaa Jobs, dadka qaarkoodna waxaba ay ku doodayaan in waligeed aanan lasoo saari doonin wax dambe oo mucjiso ah.

Taleefoonka cusub ee hadda lasoo saarayo waxaa fikradda lahaa Steve Jobs, waxaana xitaa ku jira astaamo magaciisa lagu qoray.

Geeridiisa waxa ay ahayd mid si weyn adduunyada u gilgishay, waxaana la'isla qiray in uu adduunka iyo shirkadaba ka baxay qof ay adagtahay in qof kale uu badalo.

April 2012 : Facebook oo $1 bilyan ku iibsatay Instragram

Haddii ayba waligeed jirtay wax si xun saamayn dhaqaale ugu yeeshay iPhone, waxaasi waxa ay ahaayeen in Instagram ay la wareegtay shirkadda Facebook.

Markii Instagaram lala wareegayay waxa kaliya oo ay asaasnayd 18 bilood oo kaliya.

Dadka qaarkood ayaa u arkay in Facebook ay lacag badan ku bixisay iibsigan, balse hadda waxaa la fahmayaa in lacagtaasi ay ahayd mid u qalanta, maadaamaa lacago aad u badan ay hadda uga soo xaroodaan dhanka xayaysiinta.

Dhaqaalaha barnaamijyada casriga ah ee la adeegsado ee adduunka ayaa waxaa lagu qiyaasaa $1.3 tirilyan oo doolar sanadkii.

Adeegyadan Instagaram iyo waliba adeega tagaasiista lagu dalbado ee Uber waxa ay noqdeen kuwa mugdi galiya mucjisadii IPhone.

July 2012 : Apple oo iibsatay AuthenTec

Shirkadda Apple ayaa sanadkii 2012 la wareegtay barnaamijka suul-saarka ee AuthenTec , waxayna ku bixisay lacag dhan $356 milyan oo doolar.

Apple waxa ay loolan kula jirtay shirkadda Samsung oo markaas heshiis hoose kula jirtay shirkadda barnaamijkan soo saarta.

Balse Apple ayaa sii casriyaysan barnaamijka suul-saarka sanadkii 2013-kii, waxaana loo bixiyay Touch ID, waxaana lagu soo dhexsaaray taleefoonka S5.

Waxa uu barnaamijkan sahlay in taleefoonkaaga aad xiran kartid , adiga ku saaraya suulkaada, mana u baahnid in aad galiso tirooyin badan oo ku mashquuliya ama aad hilmaamtid.

waxaase jira warar sheegaya in Apple ay qorsheynayso in barnaamijkan gabi ahaantiisaba ay ku badasho mid wajiga qofka aqoonsanaya, laguna xiran karo taleefoonka.

August 2013 : Steve Ballmer oo sheegay in uu ka dagayo xilka agaasimenimada Microsoft

Sanadkii 1997-dii shirkadda Microsof ayaa usoo gurmatay Apple oo markaas ciirciiraysay, waxayna ka iibsatay saami ku kacaya $150 milyan oo doolar.

Apple ayaa asxaankii gudday, waxayna Microsoft usoo saartay barnaamij ay markii hore kari waayeen.

Maareeyihii Microsoft Steve Mallmer ayaa ku maadsaday Apple iyo taleefoonka cusub ee ay soo saartay, waxaana laga soo xigtay isaga oo leh "Waa taleefoonkii ugu qaalisanaa, macaamiishana ma iibsan doonaan".

Wuxuu iska iibiyay saamigii ay Apple ku lahaayeen, kaas oo haddii maanta uu sii jiri lahaa u dhigmi lahaa lacag dhan $40 bilyan oo doolar.

Ninkan ayaa waxa uu iibsaday taleefoonka Nokia, balse waa lagu qasaaray, go'aanadiisa xuna waxa ay horseedeen in uu isaga tago xilka.

July 2016 : Barnaamijka Pokemon Go oo daaha laga rogay

Waxaa lasoo saaray barnaamijka ciyaaraha ah ee Pokemon Go, wuxuuna noqday barnaamijyada loogu jecelyahay ee madadaalada ah.

Hase yeeshee waxaa jira hoos u dhac ku yimid, waxaana laga wardhawri doonaa in Apple ay sii casriyayn doonto iyo in kale.

GO + BBC

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM