Askar lagu tababarey Kenya oo ku biirtey ururka Al-shabaab

Image

GAARISA, 16 April,2015 (GO)- Saraakaal ka tirsan ciidamada amaanka Garrisa ayaa sheegey in qaar ka tirsan askar lagu tababarey dalka Kenya ka dambeeyaan weerarada loo gaysto dalkaas. 

Warbixintaan ayaa timid asbuucyo kadib markii kooxda Al-shabaab weerar ku qaadey Jaamacad ku taal magaalada Gaarisa ee wadanka Kenya halkasoo ku dishey dad gaaraya 147 qof oo u badan ardey.

Dowlada Kenya iyo wadamada IGAD ayaa 2012 u tababrey dowlada KMG aheyd ee Somalia ciidamo ka qayb qaata xoreynta gobolada Juboyinka kuwaasoo markaas intooda badan gacanta ku hayeen ururka Al-shabaab.

Musa Yego oo kamid ah sarkiisha baareysa weerarkii Gaarisa ayaa  sidoo kale sheegey in ciidamo loo tababrey iney ka qayb qaataan ilaalinta degaanka kuwasoo loo direy iney ka dhinac dagaalamaan dowladii KMG aheyd ee Somalia ay dib ugu soo noqdeen Gaarisa iyagoo ku biirey kooxaha xag jirka ah ee Al-shabab iyo maleeshiyo beeleedyo.

" Waxaan tuhusanahay in qaybo ka tirsan dadkaan dhibka gaysanaya yihiin kuwaan u dirney iney ka dhinac dagaalamaan askartii dowladii KMG ah aheyd ee Somalia", ayuu yiri Musa Yego. 

Wararka laga helayo saraakiisha sirdoonka Kenya ayaa xuseysa in 200 kamid ah askartaan ku sugan yihiin Gaarisa iyo degaanada ku wareegsan kuwaasoo qaar ka tirsan ciidamada amniga markii ay dileen ka heleen hubkii dowlada KMG ee Somalia lagu yaqaaney.

Xogtaan ayaa sheegeysa dhinaca kale inta badan askartaan laga qaadey xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo u jirta magaalada Gaarisa 126 KMG.

Captain (Rtd) Collins Wanderi oo ka tirsan hay'daha loo xil saarey baarista xasuuqii ka dhacey Jaamacada Gaarisa ayaa rumeysan in kooxda weerarkaan gaysatey ka yimaadaan dadka degaanka kuwaasoo siyaasiyin aan ku qanacsaneyn xaalada Kenya iyo sida loo qabysado khayraadka dalkaas.

" Gaarisa waxaa lagu xakumaa nidaamka qabiiliga ah, waxaana ka shakisanahay in qayb ka tirsan qabaa'ilka aysan ku qanacsaney qaabka loo qaybsadey khayraadka, iney Jaamacada weeraraan waxaa suurtagal ah in dad kale waxyeelo ugu gaysanayaan." ayuu yiri Captain (Rtd) Collins Wanderi.

Dowlada Kenya oo ciidamo ka joogaan dalka Somalia ayaa qaybo ka tirsan gobolada Jubooyinka kula dagaalantey kooxda Al-shabaab.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM