Banaanbaxyadda Mareykanka: Donald Trump oo dacwad lagu soo oogay

Image

WASHINGTON, US – Kooxda u ololeysa xuquuqda xorriyadda ee ACLU oo laga soo gaabiyey American Civil Liberties Union ayaa sheegtay in ay dacwad kusoo oogeen madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo maamulkiisa.

Sidda ay ku warantay warbaahinta, dacwadda ACLU ayaa daaran eedeyn ku saabsan in maamulka Trump uu ku xadgudbay xuquuqda dadweynuhu u leeyihiin in ay sameeyaan isu soo bax nabadoon oo aan rabshado wadan.

Trump ayaa dhowaan ku hanjabay in uu adeegsan doono ciidamadda milatariga si loo joojiyo banaanbaxyadda ka bilowday geerida George Floyd oo ahaa kamid ah bulshadda madowga ee looga tiro badan yahay dalkaas.

Geerida 26-sano jirkaas waxaa u xiran saddex sarkaal boolis oo midkood uu wajahayo dacwad dil ah, halka labada kale "in ay gacan ka geysteen".

Dhanka kale, duqa magaaladda Washington DC ayaa wuxuu ku baaqay in ciidamadda milatariga laga saaro si ay ula macaamilaan banaan-baxayaasha.

Dhinaca kale, shirkadda Twitter-ka ayaa mar kale barteeda ka saartay muuqaal tacsi ah oo Trump uu u dirayay qoyska George Floyd. Muuqaalka oo ay ku jiraan sawiradda banaan-baxayaal waxaa kasoo muuqdey Trump.

War-saxaafadeed kasoo baxay Twitter ayaa lagu caddeeyay in talaabadda loo saarey muuqaalka ay tahay in uu soo sheegtay ruux kale [copyright].

Muuqaalkaas oo soconayay 45-daqiiqo isla markaana lasoo dhigay barta YouTube ee Trump ayaa Twitter-ka lasoo geliyey 3-dii June, 2020, wuxuuna qayb ka yahay ololihiisa. Gudaha YouTube, wuxuu ku helay 60-kun oo daawasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM