Benjamin Netanyahu: Ra'iisul wasaaraha Yahuuda oo karan-tiil galay

Image

TEL AVIV, Israel – Ra'iisul wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, ayaa galay karan-tiil shaqsi ah ka gedaal markii qof isaga ku dhow laga helay Coronavirus, sidda ay ku warantay saxaafadda gudaha.

Go'aanka uu muddo huuriska ku galay ayaa daba socda amar kasoo baxay dowladiisa, iyaddoo mas'uuliyiinta ay meesha ka saareen suurtalgalnimadda in Netanyahu uu qaadey xanuunka.

Inta uu ku guda jiro muda huuriska, waxaa laga qaadi doonaa dheecaano kala duwan si loo hubiyo guud ahaan caafimaadkiisa.

Sida ku xusan warbixinadda, ruuxa Netanyahu ku dhow ee qaadey cudurka ayaa lagu magacaabaa Rivka Paluch, waana lataliyihiisa dhanka arrimaha baarlamaanka.

Baaritaanka lagu sameeyay Paluch ayaa muujiyey in uu leeyahay astaamaha xanuunka, taas ayaana keentay in dadka laga dhex-saaro.

Yahuuda ayaa waxay soo warisay in ka badan afar kun oo kiis oo Covd-19 ah, waxaana dadka u dhintay ay marayaan 15- qof.

Guud ahaan caalamka, cudurkaas ayaa wuxuu galaaftay ku dhowaad 40-kun oo ruux, taas oo ka dhigan in dadka uu soo ritay ay ka badan yihiin 700-kun, iyaddoo tiradda kasoo caafimaad ay tahay 200-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM