Benjamin Netanyahu: Ra'iisul wasaaraha Yahuuda oo karan-tiil galay

Image

TEL AVIV, Israel – Ra'iisul wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, ayaa galay karan-tiil shaqsi ah ka gedaal markii qof isaga ku dhow laga helay Coronavirus, sidda ay ku warantay saxaafadda gudaha.

Go'aanka uu muddo huuriska ku galay ayaa daba socda amar kasoo baxay dowladiisa, iyaddoo mas'uuliyiinta ay meesha ka saareen suurtalgalnimadda in Netanyahu uu qaadey xanuunka.

Inta uu ku guda jiro muda huuriska, waxaa laga qaadi doonaa dheecaano kala duwan si loo hubiyo guud ahaan caafimaadkiisa.

Sida ku xusan warbixinadda, ruuxa Netanyahu ku dhow ee qaadey cudurka ayaa lagu magacaabaa Rivka Paluch, waana lataliyihiisa dhanka arrimaha baarlamaanka.

Baaritaanka lagu sameeyay Paluch ayaa muujiyey in uu leeyahay astaamaha xanuunka, taas ayaana keentay in dadka laga dhex-saaro.

Yahuuda ayaa waxay soo warisay in ka badan afar kun oo kiis oo Covd-19 ah, waxaana dadka u dhintay ay marayaan 15- qof.

Guud ahaan caalamka, cudurkaas ayaa wuxuu galaaftay ku dhowaad 40-kun oo ruux, taas oo ka dhigan in dadka uu soo ritay ay ka badan yihiin 700-kun, iyaddoo tiradda kasoo caafimaad ay tahay 200-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium.

  • Caalamka

    28-10-2025

  • 08:22AM

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM