Berri waa maalinta 1aad ee Ciidul fitriga, intee bisha laga arkay?

Image

Bisha Shawaal ayaa laga arkay Fiidnimadii Khamiista dalal dhowr ah oo uu kamid yahay Sacuudiga, kuwaasi oo ku dhawaaqay in Berri oo Jimco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Gudiga aragtida Bisha ee Sacuudiga ayaa shaaciyay in Bisha ay ku arkeen Tuulo ku taalla dalkaasi oo lagu magacaabo H̨awţah Sudayr, taasi oo 140-KM dhanka waqooyiga uga beegan Riyadh.

Dalal kale oo carbeed, oo ay kamid yihiin Imaaraadka iyo Qadar ayaa sidoo kale shaaciyay in maalinta Berri ah ay tahay maalinta kowaad ee Ciidul Fitriga, kuna beegan 1-da Shawaal, ee sanadkan 1439H.

Indonesia iyo Malaysia ayaa goor sii horeysay iyana sheegay inay maalinta berri ah ay Ciid tahay.

Dhamaanka Muslimiinta dunida ku nool ayay u tahay farxad, kadib markii ay guteen waajibaadka bisha Ramadan, oo ay soo soomanayeen 29-kii maalmood ee lasoo dhaafay, iyagoo ciida u dabaal-dagaya.

Ma jirto illaa hadda meel kamid ah dalka Soomaaliya, oo laga soo sheegay aragtida bisha balse magaalooyin badan oo Muqdisho ay kamid tahay masaajida ku yaalla laga shaaciyay inay berri ciid tahay.

CIID MUBAARAK.!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM