Biden oo lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashadda Mareykanka

Image

WASHINGTON, US - Joe Biden ayaa si rasmi ah wuxuu ku guuleystay doorashadda madaxtinimada Mareykanka, isagoo noqonaya hogaamiyihii 46aad ee Ameerika, sidda ay ku dhawaaqdey wakaaladda wararka afka dheer ee AP.

"Joe Biden oo adkaaday Donald Trump. Wakaaladda Associated Press waxay ku dhawaaqeysaa Joe Biden inuu ku guuleystey ololihii adkaa ee madaxtinimada Mareykanka. Wuxuu hoggaamin doonaa ummad si taariikhi ah ugu kala qeybsan dhinacyadda caafimaad, dhibaatooyin dhaqaale iyo bulsho ahaan," ayaa lagu soo qoray barta Twitter-ka ee AP.

Dhanka kale, madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday, Donald Trump, ayaa sheegay in uusan aqoonsaneyn natiijada Joe Biden "u calaame saartay" madaxweynaha 46aad ee Mareykanka.

"Doorashadda wali ma dhamaan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kooxda ololaha ee murashaxa Jamhuuriga. Balse ma aysan kala caddeyn hadii ay dacwad ka furi doonan natiijadan.

Biden ayaa calanka u lulayey xisbiga Dimuqraadiga, halka Trump u tartamayey Jamhuuriyiinta kuwaasoo aanan la ogeyn hadii ay maxkamad la kori doonan natiijadda lasoo bandhigay.

BBC-da ayaa tabisay in Biden uu ku badiyey 273 kamid ah ergooyinka doorashadda. Bisha Janaayo ayuu la wareegayaa xafiiska. Kahor waxaa laga dhursugayaa talaabo kasta oo sharciyad khuseysa.

Sidda ku xusan warbixinta, gobolka Pennsylvania ayaa sabab u ahaa guusha murashaxa dimuqraadiga kaasoo sugitaan badan dhaafay khadka 270-ka ergo doorasho ee gobolada kala duwan ee Mareykanka.

Nidaamka doorasho ee ka jira Mareykanka ayaa ah in madaxweynaha ay dooranayaan ergooyin doorasho kuwaasoo oo ka saameyn badan codadka ay dhiibtaan dadweynaha malaayiinka ah.

Wadarta ergooyinka doorashada waa 538; gobol kasta wuxuu leeyahay tiro gaar ah iyadoo lagu saleeyay dadka ku nool. Dhamaan codadka ergooyinka waxaa iska leh murashaxii codadka ugu badan ka hela gobolkaas.

Sidda muuqata, Pennsylvania oo leh 20 ergo doorasho ayaa Biden ka kaafiyey in uu guuleysto. Gobolada Georgia, Arizona iyo Nevada ayuu haatan hogaanka u hayaa. Hadii uu ku guuleysto, wuxuu helayaa codadka 306 ergo doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM