Boko Haram oo shaacisey inay ku biirtey Daacish

Image

March 8, 2015 (GO)- Kooxda Boko Haram ayaa shaacisey inay si rasmi ah ugu biirtey ururka Daacish ee fadhigiisu yahay dalka Ciraaq.

Hooggaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa farriin cod ah oo internetka lagu baahiyey ku sheegay in ay bayco (heshiis) la galeen Daacish hadda kadibna  si toos ah u hoos tegayaan.

Lama oga in Daacsih aqbali doonto isbahaysiga Boko Haram iyo in kale, waxaana xusid mudan in ururka Al-qaacida horay u diidey inuu heshiis la galo Boko Haram.

Kooxda Daacish waxaa bilihii u dambeeyey ku biirey ururro dhowr ah oo fadhigoodu yahay dalalka Afghanistan, Pakistan, Tunis, Egypt,  Libya iyo Algeria.

Boko Haram oo ah urur xagjir ah waxaa la asaasay sanadkii 2002. Magaca Boko Haram wxuuu marka luqada Hausa loo bedelo noqonayaa "tacliinta reer galbeedku waa xaaraan".

Weerarrada Boko Haram, laga soo bilaabo sanadkii 2009 waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad 10,000 oo qof oo rayid u badan, waxaana ku barakacay dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso hal milyan oo qof.

Ururka Al-shabaab ee fadhigiisu yahay Soomaaliya ayaa si weyn loo hadal hayaa inuu ku biiro kooxda Daacsih, waxaana jira khilaaf salka ku haya arrintaas oo soo kala dhex galay hoggaanka sare ee Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM