Boqorka Sacuudiga oo casuumaad u diray Amiirka Qadar

Image

RIYADH, Sacuudiga – Boqorka Sauudiga, Salmaan, ayaa Amiirka Qadar ku casuumay shirka sanadlaha urur goboleedka wadamada Khaliijka oo todobaadka dambe ka furmaya magaaladda Riyadh.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar oo xaqiijisay martiqaadka ayaanan kala caddeyn hadii Amiirka uu ka qeybgelayo iyo in uu ka baaqan doono.

Shirka 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa la filayaa inuu caasimadda Sacuudi Carabiya ka dhaco 10-ka December.

Qabsoomida shirkaan ayaa kusoo aadaya iyadda oo Dooxa ay saaran tahay xayiraad laba sano jir-satay oo ay kusoo rogeen dalal ay ku jiraan Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Masar iyo Baxreyn.

Saddex kamid ah dalalka go'doominta dhulka iyo cirka geliyey Qadar ayaa ka qeybgalaya tartan kubadda cagta ah oo ka socda Qadar xili ka qeybgalkooda ay ku dhawaaqeen daqiiqadihii u dambeeyay.

Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa waxaa xubin ka ah; Baxreyn, Kuwait, Cumaan, Qadar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Kulan madaxeedka 40aad ayaa lagu wadaa in dib u eegis loogu sameeyo xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka, guud caalamka iyo dedaaladda lagu xasilinayo dalalka Khaliijka.

Soltan bin Saad Al-Muraikhi, wasiirka arrimaha dibadda waddanka Qadar, ayaa wuxuu hogaaminayey wafdiga sanadkii hore 2018 xukuumadda Dooxa kaga qeybgalay shirka oo isla Rayid ka qabsoomay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM