Boris Johnson oo ku guuleystay jagada ra'iisul wasaaraha UK

Image

LONDON, UK – Boris Johnson ayaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga Muxaafadka ee dalka Ingiriiska, taasi oo ka dhigeysa ra'iisul wasaaraha xiga ee wadankaasi.

Duqii hore ee magaaladda caasimadda ah ee London ayaa wuxuu jagadan kaga badiyey tartankeeda wasiirka arrimaha dibadda haatan ee Jeremy Hunt.

Coddeynta oo Talaadada maanta ah qabsoontay ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha xisbigaasi oo tiradooda ay gaareyso 160,000 (Boqol iyo Lixdan Kun oo qof).

Guuleystaha, Boris Johson, ayaa wuxuu helay 92,153 cod. Hunt dhankiisa waxaa u coddeysay 46,656 ruux. Sidda uu guddigu sheegay, waxaa xumaatay 509 cod.

Boris oo farxad balaaran ka muujiyey guusha uu gaarey ayaa wuxuu si rasmi ah u noqon doona ra'iisul wasaaraha UK maalinta Arbacadda ah ee todobaadkan.

Isaga oo la hadlayey warbaahinta, Johnson oo aad ugu olaleynaya in UK ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa waxa uu wacad ku maray in uu ka shaqeyn doono arrintaasi.

Johnson oo ka fal-celinta guul-darada uu dhabar u saariyey Hunt ayaa tibaaxay in uu kaga mahad-celinayo loolanka adag iyo kalsoonida badan ee uu muujiyey.

Theresa May, ra'iisul wasaaraha xafiiska ka tegaysa, oo Twitter-ka uga hadashay guusha Boris ayaa ku nuux-nuux satay in ay garab-taagan tahay ninka bedelaya.

Caqabadda ugu horeysay ee hortaala ah ra'iisul wasaaraha cusub ayaa waxay tahay meel-marinta heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub oo wasiiro ay isu casileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Taageerada ka Hela Iran oo Qabtay Shaqaale ka Tirsan Qaramada Midoobay

Xaaladdan ayaa si weyn uga sii daraysa xaaladda amni iyo shaqo ee Qaramada Midoobay ee Yemen.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 08:40AM

Xabsi ku yaalla Lubnaan oo laga sii daayay wiilka Qadaafi oo 10 sano xirnaa

Hannibal Gaddafi ayaa la xiray sanadkii 2015, waxaana lagu eedeeyay in uu qarinayo xog muhiim ah oo la xiriirta maqnaanshaha Muuse al-Sadr.

  • Caalamka

    18-10-2025

  • 05:31AM