Brazil oo noqdey dalka labaad ee dadka ugu badan uu ku dilay Covid-19

Image

WASHINGTON, US - Dalka Brazil ayaa noqday wadanka labaad ee dadka ugu badan ay ugu dhinteen feyriska Corona marka Mareykanka laga soo tago.

Waxaa tirada dhimashada dalkaasi imika ay mareysaa in ka badan 50,000 oo qof.

Xaaladan qalafsan ayaa imanaysa xilli daganaasho la'aan siyaasadeed ay dalkaasi ka jirto iyo waliba maalin uun ka dib markii tirada dadka uu soo ritay Corona ee Barazil ay gaartay in ka badan 1 milyan oo qof.

Khubarada ayaa ka digaysa in toddobaadyada soo socda ay sare u sii kici doonto tirada dadka uu soo ritay feyriska Corona ee dalka Barazil.

Hay'adda caafimaadka aduunka ee (WHO) ayaa diiwaangalisay tiradii ugu badneyd ee uu caalamka hal maalin soo rito feyriska Corona islamarkana dalalka Latin Amerika ayaa tirada ugu badan ay ku nool yihiin.

Tira dhan 183,000 kiis ayuu feyriska soo ritay guud ahaan caalamka 24 saac ee ugu dambeeysay islamarkana 60% ka mid ah dadkan waxay ku nool yihiin waqooyiga iyo Koonfurta Amerika, sida ay sheegtay hay'adda WHO.

Hasa yeeshee tirada sii kordhaysa ee Corona kama aysan hor istaagin taageerayaasha madaxwaynaha Barazil Jair Bolsonaro inay Axaddii waddooyiinka isugu soo baxaan iyaga oo ka soo horjeeda dibadbaxayaal kale oo madaxwaynaha ku dhaliilay qaabkii uu ula tacaalay feyriska Corona.

Dibadbaxayal ka soo horjeeda Mr Bolsonaro ayaa ku baaqaya in xil ka qaadis lagu sameeyo.

Mr Bolsonaro ayaa wajahaya dhowr dacwadood oo ay ka mid tahay in uu faragaliyay baaritaan ay booliiska wadeen, kuna sameynayaan eedeysaneyaal badan.

Related Articles

Israel iyo Maraykanka oo Ka Baaqaya Shir France iyo Saudi Arabia Wadaan oo Lagu Taageerayo Falastiin

Sarkaal ka tirsan dowladda Israel ayaa sheegay in dalkoodu tixgelinayo inuu ku jawaabo tallaabooyin adag.

  • Caalamka

    22-09-2025

  • 10:58AM

Trump oo Israa’iil siinaya Hub Cusub xili ay xasuuq kawado Gaza

Sida ay sheegeen sarkaal Mareykan ah iyo qof kale oo xog-ogaal u ah qorshahan balse codsaday in aan magaciisa la shaacin, heshiiska ayaa ka kooban:

  • Caalamka

    21-09-2025

  • 10:31AM