Britain oo si rasmi ah kaga baxday ururka Midowga Yurub

Image

LONDON, UK - Ingiriiska ayaa caawa saqdii dhexe markii saacaddu gaadhay 12 habeenimo oo gaw ah si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub oo uu muddo 47 sanadood ah ka tirsanaa.

Xarunta baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London, ayaa waxa fagaaraha ku yaal ka buuxay dad badan oo taageersanaa in laga baxo midowgaa, waxaanay tirinayeyeen ilbidhiqsiyada ka hadhay wakhtiga oo markii ay saacaddu 12 habeenimo gaadhay damaashaad ballaadhan dhigay.

Hase yeeshee Ingiriisku waxa uu inta sannadkan ka hadhsan ku sii dhaqmi doonaa heshiiskii Midowga Yurub, waana muddo loo qoondeeyey in lagu galo wada xaajoodyo lagu gorfaynayo sida uu noqon doono xidhiidhka mustaqbalka ee dalkaas iyo Midowga Yurub.

Hadaba Ingiriiskii ka baxay Midowgii Yurub sidee wax isku bedelayaan.

Ingiriisku ka qayb gali maayo shirarka Midowga Yurub.

Laga billaaboi sabtida soo socota, ra'iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson, wuxuu noqonayaa qof si gaar ah loogu casuumi doona oo keliya shirka EU.

Sidoo kale wasiirada Britain iyaguna kama qeybgeli doonaan shirarka caadiga ah ee Midowga Yurub ay kaga arrinsaneyso arrimo badan.

Xidhiidhka ganacsiga

UK waxay dalal badan oo caalamka kala hadli doontaa heshiisyo ganacsi oo ku aadan waxyaabaha laga iibsado iyo badeecadaha ay Britain ka soo iibsan doonto dalalka caalamka.

Wixii hadda kahoreeyay looma oggoleyn Britain in ay heshiis ganacsi la gasho dalalka Mareykanka, Australia iyo dalal kale, maadaama ay ka mid ahayd Midowga Yurub.

Dadkii taageersanaa ka bixitaanka Yurub ayaa ku doodaya in ay helin doonaa xoriyad ay dal walba kula ganacsan karaan, taasina ay sare u qaadi doonta dhaqaalaha UK.

Waxaa jira waxyaabo badan oo ay labad dhinac ka wada hadli doonaan, waxaana ugu muhiimsan heshiis ganacsi oo labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Heshiis kasta oo ganacsi oo dhexmara UK iyo dalalka kale ee Midowga Yurub, waxay dhaqan gali doonaan ka dib xilliga kala guurka.

Midabka baasaboorka oo la bedeli doono

Midabka baasaboorka dalka UK ayaa markale la badeli doonaa, waxaana dib loo soo celin doonaa midabkii hore ee buluuga.

Mar uu ka dhawaaqay isbadelka, sannadkii 2017-kii, wasirkii socdaalka ee xiligaas, Brandon Lewis, ayaa aad u bogaadiyay dib usoo celinta baasaboorkii hore.

Baasaboorka cusub ee la bixin doono ayaa la sheegay in uu noqon doono midka cusub, halka kuwa hadda jirana ay sii shaqeyn doonaan.

Wasaaraddii Brexit oo la baabiin doono

Kooxdii ka shaqeysa ka bixtaanka Britain ee Midowga Yurub ayaa la kala diri doonaa, halka kuwa kale oo gacanta ku hayay xallinta khilaafaadka, haddii aanan la heshiinin lahayan, la kala diri doono marka Britain ay ka baxdo Midowga Yurub.

Jarmalka dembiileyaasha Ingiriisku doonayo u dhiibi maayo.

Suurtagal ma noqon doonto in dadka lagu tuhmo dembiyada dib loogu soo celiyo Britain, haddii ay u baxsadaan dalka Jarmalka.

Dastuurka dalka Jarmalka wuxuu dhigayaa in muwaadiniinta u dhalatay dalkaas aanan loo gacan gelinin dal kale, haddii dalkaas uusan ahayn mid ka tirsan Midowga Yurub.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee UK waxay sheegtay in sharcigaas uu shaqeyn doono inta lagu guda jiro xilliga kala guurka, waxayna taas ka dhigan tahay in Jarmalka uu Britain u gacan gelin doono dadka ay doonayaan.

Maxaa sidii hore u sii shaqayn doona

Maadaama xilliga kala guurka uu bilaabanayo maanta oo bisha Feeberweri kow tahay, inta badan waxyaabaha ka dhaxeeya labada dhinac ayaa sii ahaan doono sidii hore.

Socdaalka

Socdaalka dhanka badda ama diyaaradaha iyo tareenada ayaa sii socon doona.

Muwaadiniinta u dhashay dalka UK ayaa wali sii adeegsan kara baasaboorkooda xilliyada ay u safrayaan dalalka Midowga Yurub, waxaana loo tixgelin doonaa si lamid ah sidii hore.

Shatiga socdaalka iyo lahaanshaha hantida

Shatiga kaxeynta baabuurta ee UK wuxuu ahaan doonaa sidiisa, waxaana sidaas oo kale u shaqeyn doona warqadda aqoonsiga xoolaha nool ee ay dadka xananaeystaan oo ay la safraan sida eyda oo kale.

Caymiska caafimaadka

Kaararka ceymiska caafimaadka ee ay bixiso Dowladda Britain ayaa wali sii shaqeyn doona, dadkuna ay isku daweyn doonaan haddii ay xanuunsadaan.

Kaararkan waxaa lagu isticmali karaa dal walba oo katirsan EU iyo kuwa aan katirsaneyn ee kala ah Switzerland, Norway, Iceland iyo Liechtenstein

In qofku ka shaqeysto kuna noolaado dalalka Midowga Yurub

Xorriyadda socdaalka ayaa sideeda sii ahaan doonto inta lagu guda jiro xilliga kala guurka ama kumeel gaarka. Muwaadiniinta u dhashay Britain ayaa ka shaqeysan kara, kuna noolaan kara dalalka Midowga Yurub.

Sidaas si lamid ah ah, muwaadiniinta dalalka Midowga Yurub ayaa iyaguna ka shaqeyn kara, kuna noolaan kara Britain.

Lacagaha hawlgabka

Muwaadiniinta Ingiriiska ee ku nool dalalka Yurub ayaa heli doona lacagaha hawlgabka ee ay siiso dowladda meelwalba oo ay joogaan. Dadkan ayaa sidoo kale waxay heli doonaan lacagaha sannadwalba lagu daro dhaqaalaha la siiyo.

BBC

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM