Burundi oo ciidamadeeda kala baxaysa Somalia

Image

BUJUMBURA, Burundi- Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa shaaciyay in ciidankiisa qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM uu kala soo baxayo Somalia.

Pierre Nkurunziza ayaa xusay in sababta uu askartiida ka jooga Somalia ula baxayo ay tahay inay heli waayeen mudo hal sano ah Mushaarkooda, oo midowga Yurub bixin jiray.

Madaxweyne Nkurunziza ayaa tilmaamay in haddii lacagta ka maqan ciidankiisa ka howlgalaya Somalia aysan helin ilaa Bisha January ay kasoo baxayaan waddanka Somalia.

Burundi ayaa askar gaaraysa 5,500 ay ka joogaan dalka Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM, oo ka kooban 22,000 oo Askari oo ka kala yimid; Burundi, Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda.

Ciidamada Burundi ayaan helay mushaar 11 bilood ah, kadib markii Khilaaf xooggan soo kala dhexgalay Midowga Yurub iyo dowladda Burundi, oo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah bini'aadanimada.

Col. Gaspard Baratuza, oo ah Afhayeenka militariga Dowladda Burundi ayaa sheegay in Bishi January ay qorsheynayaan inay Saddex battalion oo Askar ah isku bedalaan howlgalka.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca Midowga Yurub iyo dowladda Somalia.

Ciidamada Burundi waa askarta ugu badan Howlgalka AMISOM, marka laga soo tago dalka Uganda, oo ku dhawaad 10,000 oo askari ay ka joogan Somalia tan iyo 2007.

Midowga Yurub ayaa dowladda Burundi ku eedaysay inay geysatay denbiyo ka dhan ah Bini'aadaniamda, kuwaasi oo ka dhashay qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi tan iyo Bishii April, 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM