Caalamka: Tirada dadka uu galaaftey Coronavirus oo si weyn u korortay

Image

ROMA, Italy – Macluumaadkii ugu dambeeyay ee laga helayo fayruska Corona ayaa waxay muujinayaan in dadka guud ahaan caalamka ugu dhintay caabuqaas ay tiro ahaan ka badan tahay 30-kun.

Intaas waxaa wehlisa, kiisaska lasoo wariyey in la diiwaan-geliyey saacadihii lasoo dhaafay ay ka badan tahay lix boqol oo kun.

Dadka kasoo bogsaday markii uu soo ritay xanuunkaas dilaaga ah ayaa aad u hooseysa, waxayna ka badan yihiin boqol kun kun.

Kaliya gudaha waddanka Talyaaniga waxay geeridu ka badan tahay tobban kun, iyaddoo kiisaska ay kumanaan yihiin. 24-kii saac ee lasoo dhaafay, in ka badan 800 dhimasho ayaa la shaaciyey.

Mareykanka oo hogaaminaya wadamada laga soo sheegay kiisaska ugu badan ayaa waxay kor-u-dhaafayaan 100-kun xili dhimashadu ku dhow dahay laba kun.

Qaarada Yurub oo ah meesha uu sidda ba'an ugu habsaday cudurka ayaa waxaa caabuqa ugu geeriyootay ku dhowaad 20-kun oo qof.

Afrika oo dhimashada ay aad u hooseyso ayaa ah ugu yaraan boqol, iyaddoo kiisaska la xaqiijiyey ay kun ku dhow yihiin. Soomaaliya waxaa laga xaqiijiyey saddex kiis.

Aasiya oo ah meesha uu kasoo bilowday gaar ahaan bartamaha Shiinaha waxay geeridu tahay boqolaal kun, iyaddoo kiisaska ay ka badan yihiin, wallow hoos u dhac uu jiray maalmihii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium.

  • Caalamka

    28-10-2025

  • 08:22AM

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM