Caawiyaha shaqsiga ah ee gabadha Trump oo laga helay Coronavirus

Image

WASHINGTON, US – Caawiyaha shaqsiga ah ee Ivanka Trump ayaa laga helay safmarka Coronavirus, sidda ay ku warantay warbaahinta Mareykanka.

Ivanka ayaa lataliye sarre u ah aabaheeda, madaxweyne Donald Trump, waxaana arrintaan lasoo wariyey ay sii xoojineysaa walaaca ku saabsan in hogaamiyahaan 73-sano jirka ah uu haleelay fayruska.

Sikastaba, caawiyaha ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay ku shaqeyn guriga Ivanka Trump, oo aysan wadda xiriirin ku dhowaad laba asbuuc, sidda uu baahiyey telefishinka CNN ee afka dheer.

Labadooda – Ivanka iyo seygeeda Jared Kushner, sidda laga soo xigtay majaladda The Hill, waa laga waayey caabuqa sidda ku faafa.

Kushner ayaa lataliye sarre u ah madaxweyne Donald Trump, wuxuuna haystaa awood uu daqiiqad kasta kula kulmi karo.

Wararkaan ayaa kusoo baxaya xilli sarkaal sarre oo ka tirsan Aqalka Cad lasoo wariyey in uu qaadey xanuunka dilaaga ah.

Katie Miller, agaasimaha warfaafinta xafiiska madaxweyne ku xigeenka, Mike Pence, una dhaxda Stephen Miller, oo lataliye sarre u ah madaxweyne Donald Trump, ayaa Jimcadii uu soo ritay.

Trump oo ku dhawaaqay xaaladda Katie Miller ayaa ku tilmaamay arrin dhaxdin leh, wallow uu u rajeeyay soo kabasho deg-deg ah.

Askari ka tirsan guutada sidda dhow ula shaqeysa qoyska Trump ee ciidamadda badda Mareykanka ayaa si lamid ah asbuucii hore laga helay.

Illaa iyo haatan, Mareykanka waxaa laga soo sheegay in ka badan 1.3 milyan oo kiisas Coronavirus ah, iyaddoo dhimashadda ay ku dhow-dahay 80,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM