Calankii Somaliland oo laga taaagey qasriga Boqortooyada Sucuudiga [Daawo]

Image

RIYADH (GO) - Dalka Sucuudiga oo xiligaan lagu gudo jiro gudashadii Xajka ayaa boqor Salman waxaa uu qaabilaad ugu sameeyey qasriga booqrtooyada dalkaas Madaxdii wadamada Islaamka ah ee kasoo qayb galay gudashada Xajka.

Kulanka oo lagu baahiyey Telefishinka qaranka dalkaas ayaa kasoo muuqdey calanka Somaliland oo ka taagan qasriga boqortooyda iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Cabdiraxman Saylici oo kamid ah madaxdii booqor Salman qaabilay.

Sucuudiga oo madax u ah isbaheysiga Khaliijka ee xiriirka u jarey dalka Qadar ayaa waxuu in muddo ka shaqeynayay in dowlada Federaalka Soomaaliya Madaxdooda ku qanciso iney badalaan mowqifka ay qaateen khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka. 

Dalalka Khaliijka ee uu hurmuudka u yahay Sucuudiga ayaan marna ku qanacsaneyn mowqifka madaxda dowlada Federaalka ee ku aadan xiriira ay la leeyihiin Qadar iyagoo aamnisan in go'aankooda dhexdhexaad-nimida ah uusan aheyn mid daacad.  

"Isku-dayada dalka Sucuudiga ee ku aadan inuu hagaago xiriirka dowlada Federaalka ay leedahay Isbaheysiga dowladaha Kahliijka ayaa waxaa kamid ahaa lacago deeq ah oo misaaniyada dowlada Federalka lagu kabayo ay bixiyaan kuwasoo lagu qiyaasay $50 million dollar iyo lacag intaas u dhiganta oo ah qalab militari si looga hortago kooxaha argagixisada ah, ayaan waxba ka tarin." sidaas waxaa warsidaha Garowe Online u sheegey siyaasi ka falooda arimaha khaliijka.

Waxaa iyadana xusid mudan talaabooyin dowlada Sucuudigu dib ugu soo celisay xiligii la dhoofinayey xoolaha nool ee loogu talagaley Fid-yaha taasoo waxyeelo kasoo gaartey ganacsato Soomaliyeed ay sababteedu aheyd mid dalkaas ku muujinayey sida uusan raali uga aheyn siyaasada Villa Somalia ee ku aadan arimaha khlaiijka.

Khasaaraha kasoo gaarey ganacsatada Soomaalida xoolaha dib loo soo celiyey ayaa waxaa lagu qiyaasey inuu kor u dhaafey $30 million dolllar wax-faalo ah dowlada Soomaliyeed gaar ahaan Wasaaradaheeda ku shaqo leh arimahaan kama bixin.

Dhinaca kale dhowaan ayaa wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya qoraal uu soo saarey waxaa uu ku tageerey mowqifka dowlada Sucuudiga ay xiriirka ugu jartey dalka Canada taasoo aan muuqan mid wax ka badashay dareenka Sucuudiga ka qabo siyaasada Villa Soamaaliya.

Warar lagu kasloon yahay ayaa sheegaya in sababta dowlada Federaalka u soo saartey qoraalkaasa ay aheyd mid ay ku raadineyso iney hesho lacago horey dowlada Sucuudiga ugu balan qaadey Villa Soomaaliaya.

Dalka Qadar oo dowlada Federaalka ka dooratey wadamadamada Khaliijka intiisa kale ayaa dhaqaalaha kaliya uu bixiyo waxaa gacanta ku haya Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin iyadoo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan iney tahay sababta NISA ugu wareegey ay tahay in maamulka lacagtaas laga dhexsaaro Villa Soomaaliya.

Warbixin horey ay u soo saartey hay'ada cilmi baarista Heritage ayaa lagu sheegey in dowlada Federaalka Soomaaliya siyasadeeda arimaha dibada aysan itijaah laheyn jawhareer-na dhlaisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM