​Canada: Dab weli ka Holcaya gobolka Alberto

Image

Dab xooggan ayaa weli ka holcaya gobolka shidaalka laga qodo ee Alberto Canada, waxaana masiibadaasi ku barakacay in kabadan 80, 000 oo qof oo loo daadgureeyo magaalada shidaalka laga faago ee Fort McMurray, waxaana kuwaasi oo loo qaaday meelaha fayoow.

Wali waxaa jira cabsi xooggan oo ma hirgalin dadaalka ay wadaan kooxaha gurmadka, waxaana hadda laga baqayaa inuu dabku ku fido gobolka dariska la ah ee loo yaqaano Saskatchewan, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaasi.

Dabeylo deegaanka ka socda ayaa caqabad ku noqday dadaalka ay wadaan boqolaalka dab demiska ah ee aaggaasi ka howlgalaya.

Waxaa la rumeysan yahay in dabkaasi uu hadda gubay keymo iyo dhul baaxadooda lagu qiyaasay saddex iyo bar kun oo kilo mitir oo isku-weer ah.

Saraakiisha ayaa ka digaya in haddii aanu roob deegaankaasi ka di’in, ay dabeylaha jira dabka sii hurin karaan muddo bilooyin ah.

Dalka Canada ayaa muddo ku Asbuuc dhan la daalaa dhacayay xakamaynta dab bur-buriyay qaybo badan oo kamid ah gobolka Alberta, waxayna xaaladdu u muuqataa mid la xakayn waayay oo faraha kasii baxday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM