Canada oo xukun ku riday Soomaali afduubey Wariye caan ah

Image

OTTAWA - Maxkamad ku taala Canada ayaa xukun 15-sano oo Xabsi ah ku riday Cali Cumar Adeer, oo ah 22-sano jir u dhashay Soomaaliya, kaasoo la sheegay inuu qeyb ka ahaa Koox afuubatay Wariye u dhalatay dalkaas oo lagu magacaabo Amanda Lindhout.

Lindhout oo ahayd suxufiyad madax banaan ayaa lala afduubay Nigel Brennan oo ahaa sawir-qaade u dhashay Australia, xili ay warbixin ka diyaarinayeen xaaladda dadka kusoo barakacay duleedka Muqdisho, bishii Agoosto ee sanadkii 2008-dii.

Labada wariye ayaa dib u heley xuriyadooda bishii Novomber ee sanadkii 2009-kii, kadib dadaal dheer oo dhinacyo kala duwan sameeyeen. Waxay gacanta afduubiyaasha ku jireen mudo 15 bilood ah.

Nigel Brennan, Wariye u dhashay Australia oo Sawir-qaade u ahaa Amanda Lindhout

Tan iyo markii ay heshay xorriyadeeda Amanda Lindhout, waxay qortay Buug ay uga hadleyso waxyaabihii ay lasoo kulantay mudadii afduubka loo haystay, iyadoo sheegtay inay la kulantay jirdil, kufsi, garaacis iyo handadaad.

Booliska Canada ayaa qaab xeeladeysan Cali Cumar Adeer ku keenay Canada, iyagoo u sheegay inuu saxiixayo Buug laga qorey Soomaaliya, taasi oo looguu balan-qaadey lacag aad u badan oo god ku riday.

Booliska magaalada Ottawa ayaa gacanta ku dhigay Cali June 2015 markii uu ka dagay magaaladaasi, waxaana loo taxaabey Xabsiga, iyadoo ugu dambeyntii hada lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Wuxuu qirtay sida ay xeer-beegtadu tilmaameyso inuu ahaa dhex-dhaxaadiye u kala dab-qaadayay Kooxda afduubiyaasha iyo qoyska Wariye-yaasha, islamarkaana ugu hanjabi jiray Lindhout in la dili doono, hadii aysan bixin Lacago madax furasho ah.

Bishii December, Cali waxaa lagu helay dambiga, inkastoo maxkamada ay ka diiday difaacid uu sameeyay, ugu dambeyn, waxaa lagu xukumay 15-sano oo Xabsi ah, kuwaasoo uu dalka Canada ku qaaban doono.

Cali wuxuu hadda ku jiray Saldhig muddo Lix sano ah, isagoo aan wax xukun ah ku dhicin, lamana oga hadii laga jari doono xukunka hadda ku dhacay iyo in kale, maxkamadana kama aysan hadlin.

Xukunkaan ku dhacay Cali ayaa kusoo aadayaa iyadoo hadda Koox afduubayaal ah ay ku maqan tahay gacantooda Gabar u dhalatay Jarmalka, taasoo u shaqeynaysay Hay'adda ICRC, lana afduubtay bishii May ee sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM