Caruur iyo macalin oo ku naf-waayey duqeyn lala eegtay Dugsi Qur'aan

Image

KABUL, Afghanistan - Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Dugsi lagu barto diinta oo kuyaala gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Waxay sheegeen in duqeyntu ay ka dhacday dugsi Qura'aan oo ku yaalla tuulada Hazara Qurluq ayna ku dhinteen 11 caruur ah iyo macalinkoodii.

Dowladda Afghanistan sheegtay inay ku dishay aaga duqeyntu ka dhacday 12 dagaalyahan oo ka tirsan Taalibaan.

Duqeyntan ayaa timid kadib markii in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Taalibaan ku qaadeen gobolka.

Saraakiisha gudaha ayaa sheegaya in 14 kale ay ku dhaawacmeen duqeynta dhanka cirka ah ee halkaa ka dhacday Arbacadii a. Imaamka masaajid ku yaalla Tuuladaas oo lagu magacaabo Cabdul Awal, oo kamid ahaa dhaawacyada lana dhigay isbitaal, ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo caruur oo kaliya ay kujireen masjidka xiligii duqeynta.

Dhaqaatiirta isbitaal ku dhow halka ay duqeynta cirka ka dhacday ee caasimada gobolka Taloqan ayaa sheegay in dhibanayaasha ugu badan ee la keenay ay yihiin caruur, Maxammad Jawaad Xejri oo ah afhayeenka gudoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta lagu laayay caruur.

Balse saraakiisha dowladda Afghanistan ayaa beeniyay wararka sheegaya in carruur la dilay, iyagoo sheegay in kaliya ay dhinteen dagaalyahanno Taalibaan ka tirsan.

Hase yeeshee Wasaaradda gaashaandhigga ma aysan diidin in duqeynta lagu garaacay iskuul. Afhayeen u hadlay Wasaaradda ayaa sheegay in koox baaris ku samaeeysa loo xilsaaray inay qiimeeyaan eedeymaha la xiriira qasaaraha rayidka ee ka dhashay weerarkan.

Dagaal maalin ka hor dhacay ayaa la sheegay in uu ku bilowday weerar Taalibaan ay ku qaadeen degmada Baharak oo qiyaastii 15-kiillo mitir u jirta gobalka Taloqan.

In kasta oo saraakiisha Talibaan ay horey ugu sheegeen Maraykanka in dhinacooda aan weeraro ka imaan doonin si loo fududeeyo wahadallada taariikhiga ah ee u dhaxeeya dowladda iyo Taalibaan,haddana waxaa muuqata in arrintaas aaney suurta galin .

Sababtoo ah Rabshadaha udhaxeeya ciidamada dowlada iyo kooxda Taalibaan ayaa kasii daray todobaadyadii lasoo dhaafay gudaha Afghaanistaan.

Qiyaastii 40,000 oo ah dad rayid ah ay ka qaxay guryahooda todobaadyadii la soo dhaafey koonfurta gobolka Helmand iyadoo dagaalku sii xoogeystey.

Dagaalka ka socda caasimada gobolka Helmand ee Lashkar Gah ayaa noqonaya duulaankii ugu horeeyay ee ugu weynaa oo ay qaadaan Taalibaan tan iyo markii wadahadalada nabadeed ay bilowdeen bishii hore.

In ka badan 220,000 oo reer Afgaanistaan ah ayaa ku barokacey isku dhacyada illaa iyo sannadkan, sida ay sheegtay Hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR, iyadoo wadarta guud tan iyo sanadkii 2012-kii ay gaareyso 4.1 milyan oo qof.

BBC

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM