Cavid-19: Taliban oo bilowday olole ay ku caawineyso Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan — Falaagadda hubeysan ee Taalibaan ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay bilowdey olole ay dadka uga wacyigelineyso ka hortagga faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona.

Ololaha oo caawinaya dowladda ayaa lagu waramay in ay ka bilowdeen degaanada ay kooxdu maamusho oo ka tirsan Afghanistan.

Dhaqdhaqaaqa ayaa ka dambeeyay markii xubno ka tirsan ururkaas ay qaataan tababar la xiriirta qaabka looga hortago caabuqa, 27-ka bishii Maaj ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020—ka.

Qari Khalid Hijran, oo sheegtay in uu yahay agaasimaha waaxda caafimaadka Taalibaan ee gobolka Baghlan, ayaa xusay in dagaalamayaashooda ay u xireen gafuur-xirka [maasakarada].

Shaqaalaha caafimaadka dowladda iyo kuwa hay'addaha ayuu tilmaamay in ay siin doonan aag ammaan ah "si loo badbaadiyo nolosha dadka" uguna soo daabulaan qalabka muhiim ah.

Wasaaradda Caafimaadka Afghanistan ayaa soo dhaweysay talaabadaas, oo ay ku sifeysay mid loo qaadey dhanka badbaadinta nolosha kumaan muwaadiniin xaaladood halis ku jirtay.

Hase ahaatee, Taalibaan ayaa waxay horey u mamnuucday in degaanada ay ka taliso aysan imaan karin howlwadeenada hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo Laan-qeyrta Cas.

Balse, waxay xayiraada ka daciifisay Laan-qeyrta Cas. Markii hore, waxay u cuksatay "ficilo shaki abuuray". Qaramada Midoobay waxay horey ugu baaqdey xabad-joojin caalami ah cudurka awgii.

Kiisaska xanuunka Covid-19 ee laga xaqiijiyey gudaha waddankaas dhaca koonfurta qaaradda Aasiya ayaa kor-u-dhaafeya 400, balse waxaa aad u sareysa cabsida laga qabo in ay intaas ka bataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM