China: muslimiinta oo loo diidey inay soomaan

Image

June 18, 2015 (GO)- Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucday in laga soomo gobolka Xinjiang, gobolkaas oo dadka ku nooli u badan yihiin muslimiinta ku abtirsada qomiyadda Uighur ee laga tirada badan yahay.

Maamulka gobolka Xinjiang ayaa amar ku bixiyey in aysan soomi karin shaqaalaha dowladda, ardayda, macallimiinta iyo xubnaha ka tirsan xisbiga shuuciga ah ee talada dalka Shiinaha haya.

"maqaaxiyaha iyo goobaha kale ee cuntadu  si caaadi ah ayey u furnaanayaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan" sidaas waxaa lagu baahiyey website-ka ay adeegsato hay'adda dalkaas u qaabilsan maareynta cuntada iyo maan-dooriyaha.

Dhanka kale, dadka muslimka ah ee gobolka Xinjiang ku nool ayaa arrintan ku tilmaamay xad-gudub iyo xorriyad la'aan Muslimiinta lagu ridayo, maadaama amarkani caqabad ku yahay inu gutaan waajibaadkooda diiniga ah.

Qowmiyadda Uighur oo asalkeedu Turkish yahay, kana mid ah 56 qowmiyadood oo Shiinaha ku nool, waa dad Muslimiin u badan, waxayna deegaan ahaan ku xooggan yihiin gobolka Xinjiang.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM