Ciidamada Isra’iil oo toogtay 72 jir haweenay u dhalatay Falastiin

Image

07 November, 2015(GO)-Ciidamada Yuhuudda ayaa galinkii dambe shalay toogtay haweenay 72 jir u dhalatay dalka Falastiin, xilli ay maraysay dhulka Israa’iil xoogga ku haysato.

Thawarat Ashrawi, ayaa la toogtay iyadoo wadata gaarigeeda, doonaysayna inay Baasiin ka qaadato goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla magalada Hebron oo dhacda daanta Galbeed.

Qoyska haweenayda la dilay ayaa sheegay in Thawarat aysan galabsan wax dambi ah, balse qorsheheedu ahaa siday shidaal u iibsan lahayd.

Ciidanka Yuhuudda war ka soo baxay ayaa ka duwan kan qoyska Thawarat Ashrawi sheegayaan, waxaana ciidamada Milateriga Isra’iil tilmaameen in haweenaydan ku socotay saldhig ciidankoodu ku leeyihiin Hebron ka hor intaan la toogan.

Arrintan ayaa noqonaysa dhacdadii labaad oo isla maalin gudaheed ku kacaan ciidamada Isra'iil, waxaana Gaza lagu dilay Salameh Abu Jamaa oo ah 23 jir u dhashay Falastiin.

Dhan kale, dagaal ayaa ka dhacay Waqooyiga iyo bartamah Gaza, waxaana ku dhawacmay 38 ruux oo 29 ka mid ah ciidamada Yuhuudu u adeegsadeen rasaas nool.

Muddo, waxaa dalka Falastiin ka aloosnaa rabshado u dhaxeeya ciidamada Israa’iil shacabka dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM