Cruz oo guuleystay codadkii Jamhuuriga Iowa

Image

Musharaxa madaxtinimada Maraykanka Ted Cruz, ayaa ku guulaystay codadkii ugu horreeyay ee isreebreebka musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ee lagu qabtay gobalka Iowa.

Wuxuu helay 28% codadkii la dhiibtay ee Jamhuuriga. Waxaa ku soo xigay ninka la filayay in uu ku guulaysan doono codadka ergada Donald Trump oo helay 24%. 

Iyadoo codadkii Dimuqraadiga kalabar ka badan la tiryay ayaa musharaxa Hilary Clinton, waxa ay aad isaga ag dhawayihiin ninka kula loolamaya hogaanka xisbiga Senator Bernie Sanders.

Ergada Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa isugu soo aruuray in ka badan kun goobood oo ka tirsan gobalkaasi.

Xigasho:BBC

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM