Cunista Ukunta oo yareysa Khatarta Xanuunka Wadnaha [Daraasad]

Image

Cilmi-baaris ay sameeyeen khubarro u dhashay Shiinaha ayaa lagu ogaadey in cunista Ukunta ay faa'idooyin dhanka caafimaadka ah u leedahay bini'aadamka.

Kooxdan cilmi-baarista sameysay ayaa wareysi la yeeshay in ka badan 400,000 qof oo ku nool Shiinaha ayay ku ogaadeen in qofka cuno maalintii hal xabo uu Ukun ah ay hoos u dhigeyso 18% halista ku aadan inuu ku dhaco cudurada wadna xanuunka.

Aqoonyahanadan ayaa ku nuuxnuuxsadeen in [416,213] ka qaybgalayaasha Daraasadda ah aysan ka helin cudurada Kansarka, Cudurada wadnaha iyo macaanka, kadib markii ay si joogto ah u is-ticmaaleen Ukunta.

Intii lagu guda jiray Daraasadda ayaa lagu helay in [9,985] ay u dhinteen cudurada wadnaha, halka 5,103 uu wax-yeeleeyay, waxaase intaas dheer in ku dhawaad 84,000 oo kamid ah dadka ka qeybgalay cilmo baarista lagu helay cudurka wadnaha.

Canqing Yu, oo kamid ah kooxda sameysay Darasaadaan ayaa wuxuu ku doodayaa in maadaama Ukunto leedahay faa’idooyin badan ayna ku jiraan borotiino badan iyo qaybaha kale ee nafaqada, ay hoos udhigeyso 28% in qofka udhinto cudurkaan.

Mar sii horeysay, Daraasado cusub oo lasoo bandhigay waxay sheegayeen in qofku uusan wax badan is-ticmaalin Ukunta, maadaama ay leedahay Borotiin badan, taasina ay keeneyso in qofku ku dhoco cuduro badan, iyo inuu kordho culeyskiisa.

Laakiin, Yu ayaa wuxuu aamisan yahay in Ukunta aysan jirin wax cudur ah oo ay usababeyso qofka, ayna leedahay kaliya faa’ido, sidaas darteeda qof bani’aadamka ay muhiim utahay inuu istic-maalo maalin walba si uu uga fogaado cudurada Wadnaha.

Sidaas si lamid ah, waxaa jiray Cilmi-baarisyo sheegayey inuu jiro xiriir udhaxeeya cudurada wadnaha iyo Ukunta, laakiin kooxda Yu ma aysan soo helin arrinkaas, iyagoona sheegaya in badi dadka ay tijaabada ka qaadeen ee isticmaalay Ukunta ka waayeen.

Cilmi baarista ay sameeyeen kooxda fadhigeedu yahay Shiinaha ayaa waxay wadeen muddo ka badan Sagaal sano, waxaana ay ka sameeyeen Tobban gobol oo kamid ah Dalka ugu dadka badan aduunka ee Qaarada Aasiya ku yaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM