Canug gaajeysan oo wacay booliska oo la kulmay falcelin dhif ah

Image

FLORIDA, US – Wiil aad u yar oo reer Florida ah ayaa wuxuu wacay taliska ciidanka booliska markii ay qabatay Gaajo aad u daran, wuxuuse ka helay faa'iido badan.

Manuel Beshara oo Jimcadii garaacay 911 si uu baahidiisa u muujiyo ayaa loo keenay Biiso weyn [pizza], sidda uu bileyska maxaliga ah ku shaaciyey Facebook-ga.

Shan sano jirkaan ayaa sidda ka muuqata sawirro laga soo qaadey waxa uu ahaa mid aad ugu faraxsan falcelinta dhifka iyo naadirka ah ee uu la kulmay.

Saraakiisha ayaa cunadda waxay ugu geeyay hoygiisa, halkaasoo ay ku wehlisay walaashiisa 15-sano jirta ah, taasoo ku an-fariirtay sheekadan.

Gabadha ayaa waxay sheegtay in iyadda oo aanan ogeyn uu wicitaanka sameeyay Inanka, sharaxaadaasi oo ay ku qanceen bileyska.

Xoogaga dowladda ayaa xusay in cunuga uu u sheegay ujeedada uu u adeegsaday 911, kahor intaan lagu armin in ay u geeyaan Biisaha aadka u weyn.

Ugu dambeyntii, Waaxda booliska is-maamul goboleedka Florida ee waddanka Mareykanka, ayaa dadweynaha uga digay in aysan u ku dhaqaaqin falalka noocaan ah.

"Ha u soo wicin booliska in uu wax kuu keeno," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo u muuqda mid digniin ah oo barta xiriirka bulshadda ee ciidamada lasoo dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

IOM iyo Midowga Yurub oo Muhaajiriinta Soomaaliya kasoo celinaya Libya

Sida laga soo xigtay IOM Displacement Tracking Matrix, in ka badan 1,400 muhaajiriin Soomaali ah ayaa ilaa Abriil 2025.

  • Caalamka

    22-11-2025

  • 09:21AM

Zelenskyy: “Ukraine waxay wajahaysaa laba doorasho — in ay lumiso sharafkeeda ama saaxiibtinimada Mareykanka”

Madaxweynaha Ukraine wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu u baahan yahay taageero joogto ah, balse ay ka sarreyso baahidaas ilaalinta karaamadooda.

  • Caalamka

    22-11-2025

  • 06:44AM