​Daalibaan oo weerar ka gaysatay magaalada Kunduz

Image

Warar ka imaanaya magaalada Kunduz ee dalka Afghanistan ayaa sheegaya in mallayshiyaad katirsan kooxda Daalibaan weerar kusoo qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada waddankaas.

Mallayshiyada ayaa gudaha usoo gashay magaalada, waxyna qabsadeen ilaa dhowr bar-kantarool.

Saraakiil ku sugan Waqooyiga Afghanistan ayaa ku waramay in kooxdaasi, weerar qorsheysan ku qaaday Kunduz, islamarkaana ay gudaha usoo galeen.

“Daalibaanka waxay ku jiraan qaar ka mid ah guryaha shacabka, waana inaan howlgalka u fulinaa si taxaddar leh,” Sidaas yiri afhayeen u hadlay Booliiska Mahfouzullah Akbari.

Weerarka oo bilowday subaxnimadii hore ee maanta, ayaa ka dhacay dhowr jiho, waxaana afhayeen u hadlay Daalibaan sheegay inay dhowr kamid ah ciidamada waddankaas islamarkaana la wareegeen gacan ku haynta qaybo kamid ah Kunduz.

Dagaalka Daalibaan ayaa yimid maalin ka hor shirweyne calaami ah oo deeq bixiyayaasha dunida ku qabanayaan magaalada Brussels, kaasi oo uu ka qeyb galayo madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani.

Bishii September ee 2015 ayaa kooxdan qabsadeen magaalada Kunduz oo ay haysteen dhowr maalmood, ka hor inta aysan ka bixin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM