Dabley weerartay makhaaxi ku taala Brazil oo dishay 11 qof

Image

PARA, Brazil - Dabley ayaa lagu waramayaa in ay weerartay makhaaxi ku taala magaalada caasimada u ah gobolka Waqoyga Brazil dhaca ee Pará, halkaasi oo mas'uuliyiintu sheegeen in lagu dilay 11 qof.

Wakaalada wararka ee dowladda ayaa xaqiijisay in weerarka oo dhacay galabnimadii Axada dadka lagu khaarijiyey ay lix kamida yihiin haween, halka shanta kale ay rag yihiin.

Saxaafada maxaliga ah ayaa tabineysa in kooxaha hubeysan ee howlgalka fuliyay ay gaareyso tiradooda todoba, kuwaasi oo ku baxsaday gaari iyo Mooto ay markii hore ku yimaadeen goobta.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in dableyda ay wadatay qoryaha nooca daran-darooriga u dhaca, isla markaana ay qaarkood wajiyada u xirnaayeen.

Ciidamada amaanka oo bilaabay howlgalo lagu baadigoobayo raggaasi ayaa shaaciyey in ay rajo wanagasan ka qabaan soo qabadashadda xubnahaasi baxsadka ah.

Dalka Brazil waxaa dhowaanahaanba kusoo kordhayey weerarada noocaan ah, kuwaasi oo la sheegayo in ay geysanayeen kooxaha burcada ah, oo ay dowladdu wacad ku martay in ay la dagaalameyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM