Dad badan oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday dalka Iiraan

Image

TEHRAN, Iran – Isbuurasho ka dhalatay baroordiiq Talaadada maanta ah loo sameeyay Jeneraalkii Iran ee Mareykanku todobaadkii hore duqeynta ku dilay ayaa sababtay geerida 35 iyo dhaawaca 48.

Talafishinka dowladda ayaa baahiyey in Isbuurashada ay ka dhacday Kerman, magaalada uu ku dhashay Qaasim Suleymaani, taliyihii ciidamada Quds ee ilaalada kacaanka Jamhuuriyada Iiran.

Muuqaalo baraha bulshadda lagu faafiyey ayaa muujiyey dhacdooyin ay kamid tahay dadka oo isku dul-soconaya iyo qaar kale oo isku deyaya in ay caawiyaan.

Warbaahinta ayaa ku warameysa in tiradda dhimashadda ay kordhi karto, maadaama ay jiraan dhaawacyo daran.

Pirhossein Koulivand, madaxa gaadiidka gurmadka deg-dega, ayaa sheegay in bukaanada ay kamid yihiin caruur iyo haween.

"Nasiib-daro maxsuulka Isbuurashada waxaa ku jira dhaawaca iyo geerida qaar kamida walaalaheena," ayuu qadka telefoonka ugu sheegay Talafishinka Iiraan.

Isniintii, in ka badan hal milyan ayaa isugu soo baxay magaalada Tehran si ay ugu baroordiiqaan Qaasim, waxaana qayb ka ahaa mas'uuliyiinta ugu sareysa Iiraan, kuwaasoo ku goodiyey "aargudasho".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM