Dad badan oo lagu laayey Weeraro ka dhacay Afghanistan

Image

KABUL - Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay labo weerar oo ka dhacay Koonfur dalka Afghanistan maanta oo Talaado ah, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta gobolka iyo kuwa Federaalka ee xukuumadda Kabul.

Weerarka koowaad oo ahaa Qarax xoog badan, oo noociisa wali lagu muran-san yahay, laakiin lagu sheegay in Kun-teenar lagu shubay walxo qaraxa ayaa ka dhacay Koonfurta dalka Afghanistan gobolka ku yaala ee Kandahar.

Qaraxaan waxaa ku dhintay 16 qof, kuwaasoo afar kamid ah ay saraakiil Boolis ah iyo 5 curuur ah, halka inta kale ay yihiin Dad rayid ah. Dadka ku dhaawacmeen weeraraka waxay gaarayaan Tobbaneeyo Shacab u badan.

Dhinaca kale, dabley hubeysan oo ka tirsan Taliban oo weerar ku qaaday xarunta gobolka Koonfur Beri ee Ghazni, halkaasoo ay ku dileen 14 Sarkaal oo Boolis ah, oo uu ku jiro Taliyihii ciidamada isku dhafka ee gobolkaas.

Hassan Reza Yusoufi oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee gobolkaas ayaa u xaqiijiyay warbaahinta geerida Askarta iyo Taliyaha.

Qaraxa iyo weerarkaan waxaa isla markiiba cambaareeyay Madaxweyne Ashraf Ghani, kaasoo dhanka kale amaanay ciidamada oo uu sheegay inay yihin geesiyaal ku shahiiday weerarka, sida uu hadalka u dhigay.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dalka Aghanistan tan iyo markii ay bilowday sanadkan, kuwaasi oo isugu jira Shacab iyo mas'uuliyiin kadib weeraro culus oo ay halkaas ka geysteen Kooxaha Taliban iyo Daacish, faraceeda dalkaan.

Ugu yaraan 11 arday oo Afganistaan ​​ah ayaa lagu dilay gobolka Kandahar bishii hore markii bam gacmeed lagu weeraray kolonyo ciidammo Roomaan ah oo ilaalinaya aaggaasi oo qayb ka ah ciidamada Mareykanku tababaro ka hoos shaqeeya NATO.

Mid ka mid ah weerarrada ugu dhimashada badan, wuxuu ahaa mid ugu yaraan 29 qof, oo ay ku jiraan sagaal suxafiyiin ah ayaa lagu dilay kadib laba qarax oo ay sheegtay in ISIL ay ku dhacday caasimadda, Kabul, bishii hore.

Weeraradan sii kordhaya ee dalka Afganistan ayaa waxay imaanayaa iyadoo doorashooyinka Golaha deegaanka lagu wado inay dhacaan 20-ka bisha Oktoobar ee sanadkan, waxaana ay sare u qaadayaan walaac laga qabo amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM