London: Dad ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday Toorey

Image

LONDON, UK – Tobanaan qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dhaawacay kadib weerar Toorey oo ka dhacay buundada London, sidda uu sheegay bileyska.

Ciidamadda ayaa sheegay in ay xireen hal ruux. Gaadiidka gurmadka degdeg ah waxay ku qeexeen falkaan "dhacdo weyn".

Warbaahinta meesha ay wax ka dhaceen tagtay ayaa sheegtay in askarta ay dhowr xabadood ku ganeyn kooxo rag ah.

Buundada ayaa waqti xaadirkaan gebi ahaanba la xiray, waxaana la joojiyey dhamaan isu socodkii Tareenka.

Ra'iisul wasaare Boris Johnson oo sheegay in akhbaartan soo gaartay ayaa uga mahadceliyay booliska sida dhaqsiyaha leh oo ay kaga jawaabeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Priti Patel, ayaa xustay in ay aad uga walaacday falkaan, waxayna soo kabasho u rajeysay bukaanada.

Ingiriiska, oo ah dal olole ugu jira in uu ka baxo ururka Midowga Yurub, ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa kusoo badanayey fal dambiyeeda ceenkan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM