London: Dad ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday Toorey

Image

LONDON, UK – Tobanaan qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dhaawacay kadib weerar Toorey oo ka dhacay buundada London, sidda uu sheegay bileyska.

Ciidamadda ayaa sheegay in ay xireen hal ruux. Gaadiidka gurmadka degdeg ah waxay ku qeexeen falkaan "dhacdo weyn".

Warbaahinta meesha ay wax ka dhaceen tagtay ayaa sheegtay in askarta ay dhowr xabadood ku ganeyn kooxo rag ah.

Buundada ayaa waqti xaadirkaan gebi ahaanba la xiray, waxaana la joojiyey dhamaan isu socodkii Tareenka.

Ra'iisul wasaare Boris Johnson oo sheegay in akhbaartan soo gaartay ayaa uga mahadceliyay booliska sida dhaqsiyaha leh oo ay kaga jawaabeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Priti Patel, ayaa xustay in ay aad uga walaacday falkaan, waxayna soo kabasho u rajeysay bukaanada.

Ingiriiska, oo ah dal olole ugu jira in uu ka baxo ururka Midowga Yurub, ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa kusoo badanayey fal dambiyeeda ceenkan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo sheegtay inaysan aamusi doonin kadib markii la baaray gurigeeda

Omar, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga lagana soo doorto gobolka Minnesota, ayaa cambaareysay baaritaanka.

  • Caalamka

    12-10-2026

  • 05:05PM

Sacuudiga: 12 ku dhimatay weerar gantaal oo lagu qaaday garoonka Riyadh

Garoonka ayaa markale la bartilmaameedsaday Sabtidii, waxaana gebi ahaanba laga…

  • Caalamka

    11-10-2026

  • 02:53AM