Dad lagu laayay magalada Mandheera

Image

28 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheega in ciidamo katirsan Millatariga Kenya rasaas ku furigeen gaari la sheegay inuu jidka ka xirtay gaadiid ciidankani saarnaayeen.

Goob joogayaal ku sugan Mandheera yaa Garowe Online u xaqiijiyay dhimashada labo iyo dhaawaca tiro kale, waxaana dhaawacyada loo qaaday xarumaha caafimaadka degmadaasi.

Saraakiil katirsan laamaha amniga dalkaas ayaa la sheegay in ciidamadoodu wadaan baritaanno lagu xaqiijinayo amniga, waxayna tilmaameen inay barayaan dhacdada Mandheera.

Falkan ayaa ku soo beegantay xilli degmooyinka dhaca xadka Somalia la wadaagto Kenya ururka Al-Shabaab ka gaysanayeen weeraro lagu beegsaday ciidamo katirsan Boliiska dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM