Dadka uu haleelay Covid-19 ee caalamka oo kor-u-dhaafay 10 milyan

Image

WASHINGTON, US – Tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus ee guud ahaan caalamka ayaa Axada maanta ah kor-u-dhaafay tobban milyan, sidda ay ku warantay wakaaladda wararka afka dheer ee Reuters.

Sidda ku xusan warbixinta, dadka illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay u dhinteen caabuqaan faafa ayaa ku dhow nus milyan.

Intaas waxaa wehlisa, in ka badan shan milyan oo kale ayaa kasoo bogsaday xanuunka, todobadii bilood ee u dambeysay.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayaa ku celcelisay in khatarta xanuunka ay wali taagan tahay loona baahan yahay taxadar.

Dhanka kale, Talyaaniga ayaa diiwaan-gelisay tiradii ugu yareyd oo ah dhimashada maalinlaha tan iyo 1-dii bishii Maaj, todobaad kadib markii waddankaas uu galay xaalad go'doon ah sabab ku aadan cudurka.

Mareykanka ayaa dhankiisa soo wariyey 2.5 milyan oo ah kiisas cusub, kuwaas oo kordhinaya wadarta oo ahayd in ka badan 44,000.

Jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socota dhaqdhaqaaqa xanuunka ayaa sheegtay in geerida Mareykanka ay dhaaftay 125,000.

Sikastaba ha ahaatee, Covid-19 ooo kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ayaa ku faafay aduunka oo uu geliyey xaalad go'doon ah iyo kala xirnaan dhinacyadda duuliyadda iyo hoos u dhac dhaqaalaha aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xabsi ku yaalla Lubnaan oo laga sii daayay wiilka Qadaafi oo 10 sano xirnaa

Hannibal Gaddafi ayaa la xiray sanadkii 2015, waxaana lagu eedeeyay in uu qarinayo xog muhiim ah oo la xiriirta maqnaanshaha Muuse al-Sadr.

  • Caalamka

    18-10-2025

  • 05:31AM

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Japan oo caan ku ahaa raalligelintii Dagaalkii 2aad ee Adduunka oo geeriyooday

Hiroyuki Takano, xoghayaha guud ee xisbigaas ee gobolka Oita — halkii uu kasoo jeeday Murayama.

  • Caalamka

    17-10-2025

  • 09:16AM