Dagaalka afka ee dalalka Faransiiska iyo Turkiga oo weji cusub yeeshay

Image

DUBAI, UAE – Imaaraadka Carabta oo midnimo u muujiyey waddanka Faransiiska oo dagaal afka ah oo khuseeya arrimaha dalka Libya uu kala dhaxeeya Turkiga ayaa cambaareyn culus kala dul-dhacay xukuumadda Ankara.

Anwar Gargash, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa sheegay in Turkiga uu ku xadgudbay xayiraadda hubka ee saaran dalkaas colaado ka jirto.

"Imaaraadka Carabta waxay xaqiijineysaa in ay Faransiiska ku garab taagan tahay dhawaaqyadda iyo ficilada gardarooyinka ee Turkiga uu waddo. Waxaan [Turkiga] ku cambaareynaa dhaqanka halista iyo cadaawada leh ee ka dhanka ah ciidamadda badda Faransiiska ee qaybta ka ah howlgalka NATO kuwaasoo dhaqan-gelinaya xayiraadda hubka Qaramada Midoobay soo rogtay bishaan," ayuu Gargash soo qoray shalay oo ahayd Arbaco, 24-ka June, 2020-ka.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo xusay in Turkiga uu dheelayo "cayaar halis ah" ayaa tibaaxay in uu taageerayo maleeyshiyaadka taageera dowladda isla markaana uu diidey heshiiska nabada.

Turkiga oo lagu dhaleeceeyay in calooshood-u-shaqeystayaal Suuriyaan ah uu ku taageerayo ololaha ee lagu kaabayo dowlada Libya ayaa iska fogeeyay eedeyntaas, isagoo tibaaxay in France ay barataarto falaago kale.

Xiisada France-Turkey oo sii kordheysa

Xiisada wadamadan kawada tirsan gaashaan-buurto NATO ayaa muujisay in aysan jirin calaamad hoos u dhac xilli France ay Midowga Yurub ka codsatay wadahadalo ku aadan cilaaqaadka kala dhaxeeya Turkiga.

Faransiiska iyo Imaaraadka ayaa garab siiya mucaaradka Libya iyo Jeneraal Khaliifa Xaftaar, halka Turkiga uu barataaro dowladda caalamka aqoonsan yahay.

Jean-Yves Le Drian, wasiirka arrimaha Faransiiska, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay ka shaqeynayaan qabsoonida kulankaas.

Xukuumadda Paris ayaa horey ku dhaliishay Turkiga "xadgudub ka dhan ah markab ay iyaddu leedahay oo ka qeyb-qaadanayey howlgalka NATO ee Libya, hase ahaatee, Ankara way beenisay sheegashadaas.

Masar iyo qaar kamid ah wadamadda Carabta ayaa ku dhaleeceeyay Turkiga faragelinta uu ku sameeyay arrimaha Libya; xukuumadda Qaahira waxay sheegtay in wax la aqbali karo aysan ahayn talaabada Turkiga.

"Turkiga in uu qabsado magaalada istaraatiijiga ah ee Sirte ma ahan wax la aqbali karo," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda Masar.

Awoodaha caalamka ayaa ku loolamaya Libya oo tobanaan sano ay ka aloolsan tahay dhiilo colaadeed oo galaaftay nolosha kumanaan rayid, iyaddoo Qaramada Midoobay ku baaqeyso in xaaladda lagu soo celiyo xasilooni.

GAROWE ONLINE

Related Articles